Weerar lala damacsanaa masjidka barakeysan ee Makka oo la fashiliyay

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Sacuudiga ayaa shaaca ka qaaday inay fashilisay weerar qorsheysnaa oo lagu qaadi lahaa misaajidka barakaysan ee Makka.

Dowlada ayaa sheegtay in weerarkaasi ay fashiliyeen ciidamada amaanka ee ku howlanaa xaqiijinta amaanka kuwaa oo ka hortagay Kooxo argagixiso ah.

Qoraal kasoo baxay Wasaarada arrimaha gudaha ee Sacuudiga ayaa lagu sheegay in dhismaha misaajidka uu ku jiray qofka weerarka fulin lahaa, waxaana isku gadaamay ciidamada amaanka.

Ujeedka weerarka ayaa la sheegay inuu ahaa mid lagu haligaayo dhammaan dadka ku jiray dhismaha, hayeeshee ma aysan suuragalin.

Dhismaha ayaa burburay waxaana ku dhaawacmay 10 qof oo ay ka mid yiihiin askar booliiska ka tirsan.

Sidoo kale, 5 qof oo loo badinaayo inay kamid yihiin mintidiinta ayaa xabsiga loo taxaabay sida ay sheegeen saraakiisha.

Saraakiisha Sacuudiga ma bixin faahfaahin ku aadan weerarkan la fashiliyay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com