Wenger: Theo Walcott Arsenal way jeceshahay iibna maahan.

Tababaraha Arsenal Arsene Wenger ayaa ku celceliyey go’aankiisa ah inuu ceshto Theo Walcott ka dib markii uu xidiga dalka England Sedaxleey shabaqa huwiyey kulankii ay 7-3 guusha kaga gaareen Newcastle ciyaar ka dhacday Fly Emirates Stadium.

Wenger ayaa mar kale qirtay ka dib kulankaan inuusan Walcott meelna u socon inta lagu jiro Janaayo wuxuuna rajo weyn ka qabaa inuu qandaraaska u dheereeyo Gunners, kaasoo dhacaya dhamaadka xilli ciyaareedkan.

“Kooxdu wey jeceshahay Theo, Theo isna waa jecelyahay kooxda, I rumeysta aniga jaceylka ay is dhaafsadeen waa wax adag in la sameeyo,” ayuu yiri Wenger.

“Wuxuu ahaa ciyaaryahankii ciyaarta, laakiin awooda rajadeydu waa la mid sidii ay aheydba wuxuuna ahaa kulan dhib badan: Waxaan ka doonayaa inuu qandaraaska dheereeyo waxaana rajo ka qabaa inuu dheereyn doono.

“Theo wuxuu muujiyey waxa uu sameyn karayo; laakiin waxaa jiray xalal kale oo isaga ku saabsan rajaduna waa inuu ka ciyaaraa weerarka.

“Waa ogahay inuusan xoog badneyn. Waase ciyaaryahan xariif ah sababtoo ah wuxuuba ka xariifsan yahay xarfaanta kale, wuxuuna sii wadan doonaa inuu kor isku soo qaado.”

Walcott ayaa afar gool dhaliyey wuxuuna ku guuleystay in goolku laad uu kooxda u keeno sedaxdii kualn ee u dambeysay ee uu ka ciyaarayey Weerarka, waana booska uu weydiistay inuu ka dheelo, si kastaba, 14 gool ayuu dhaliyey xilli ciyaareedkaan.