Xaaf oo Jawaab adag ka bixiyay Go’aanka kasoo baxay Maxkamada Sare ee maamulka Galmudug (Akhriso)

Cadaado (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee maamulka Galmudug Yaxye Sheekh Cali oo maanta magaalada Cadaado kula hadlay warbaahinta ayaa ka hadlay sharci ahaan shiyaha xil ka qaadista Hogaamiyaha maamulka.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in go’aankii 26-kii September xildhibaanada Galmudug ay xilka uga qaadeen Hogaamiye Axmed Ducaalle Geelle ”Xaaf” uu yahay mid sharci ah.

Guddoomiyaha waxa uu sidoo kale sharci ka dhigay go’aankii xildhibaanada Galmudug ay 30-kii September xilkii uga qaadeen Hogaamiye ku-xigeenka Maxamed Xaashi Cabdi ”Carabey” iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Cali Gacal Casir.

Intaa kadib go’aanka kasoo baxay Guddoomiyaha Maxkamada ayaa waxaa ka jawaabay Hogaamiyaha maamulka Axmed Ducaalle Geelle Xaaf oo sheegay inaanu aqbali doonin natiijada kasoo baxday Maxkamada sare ee maamulka.

Xaaf oo u waramaayay Idaacada Dalsan ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Galmudug aysan laheyn wax Maxkamad Sare ah isla markaana Qoraalk soo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Maxkamada uu yahay mid aan waxba ka jirin, sida uu hadalka u dhigay.

Xaaf waxa uu sidoo kale sheegay in Galmudug aysan waligeeda yeelan Maxkamad, hase ahaatee qoraalka Maxkamada uu yahay mid aan wax kasoo qaad laheyn.

Go’aanka Maxkamada ayaa kusoo beegmaaya xili maalmo un ka hor uu Hogaamiyaha maamulka Galmudug Xaaf uu Maxkamada maamulka ugu baaqay inay go’aan ka gaarto xiisada kala dhexeysa madaxda kale ee maamulka.

Dhinaca kale, Xaaf oo aan iminka ku qanacsaneyn go’aanka Maxkamada ayaa waxa uu wax kama jiraan ku tilmaamay jiritaanka Maxkamada.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
Caasimada@live.com