Xaaf oo sabab la yaab leh xilka uga xayuubiyay Taliyaha Nabad Sugidda Galmudug (Sababta)

Cadaado (Caasimada Online)-Hogaamiyaha maamulka Galmudug Axmed Geelle Ducaale ”Xaaf”, ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Taliyihii Ciidanka Nabadsugida qeybta maamulka Galmudug.

Taliyaha xilka laga qaaday oo lagu magacaabo Cali Cilmi Yuusuf oo loo yaqaanay ”Ilka Case”, ayaa waxaa xil ka qaadistiisa lagu sheegay inay la xiriirto howl gudasho la’aan.

Xil ka qaadista Taliyaha NISA ee Galmudug ayaa sidoo kale la sheegay inay soo degdegtay kadib amar diido uu ku sameeyay Hogaamiyaha maamulka.

Taliyaha Xilka laga qaaday ayaa waxa uu horay booska ugala wareegay Taliyaha Hay’adda Nabadsugida iminka ugu magacaaban Gobolka Banaadir.