Xaqiiqda waxa ka socdo Magaalada Cadaado iyo tirada Xildhibaanada ay kala heli karaan labada Dhinac

Cadaado (Caasimadda Online) –  Sida aad ku akhrisateen wararkeeni hore waxaa Magaalada Cadaado ka socdo shirar kala duwan iyo mooshino is garab socdo oo qaarkood lagu sheegay in xilka looga qaaday madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Haddaba Caasimadda Online oo ah shabakad dhex dhexaad ka ah siyaasadda is diidan ee ka socoto Magaalada Cadaado ayaa soo ogaatay xog badan oo ku saabsan sida ay xaaladda tahay iyo tirada Xildhibaanada ay kala heystaan labada dhinac ee ku hardamayo maamulka Sare ee Galmudug iyo sax ahaanshaha go’aankii uu Xaaf ku taageeray Imaaraadka Carabta.

Tirada ay kala heli karaan Labada Dhinac:

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa heysto taageero fiican oo kamid ah Xildhibada, waxayna sida xogta rasmiga ah sheegeyso heystaan ilaa 20 Xildhibaan.

17 kamid ah ayaa ogolaaday xil ka qaadista la sheegay in lagu sameeyey madaxweyne Xaaf, 2 ayaa diiday halka 1 midna uu ka aamusay.

Sidaas darteed dhinacaan ma heli karaa tiro sharci ah oo ay ku ridaan: madaxweynaha, Ku xigeenkiisa iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Garabka Xaaf:

Axmed Ducaale Gelle Xaaf oo ah madaxweynaha sharciga ah ee Galmudug ayaa isna heysto tiro xildhibaano ah oo gaarayo ilaa 38 Xildhibaan oo fikirkiisa taageersan, sidaas darteedna garabkaan xataa ma heystaan tiro dastuuri ah oo uu xil ka qaadis ku sameyn karo.

Xalka Muxuu ku Jiraa?

Odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta deegaanadaas kasoo jeedo ayaa ku baaqay in arrintaan lagu xaliyo wadahal iyo miiska korkiisa intii lagu dhaqaaqi lahaa falal keeni karo colaad iyo dhiig daata, sidoo kalana waxay odayaasha ugu baaqeyn dowladda dhexe inay faragelinta ka dhaafto kiiska Galmudug ayna ka shaqeyso wadada wada hadalka iyo in la badbaadiyo shacabka.

Galmudug Maxay u baahan tahay?

Maamulka Galmudug oo hadda dhow kasoo kacay dhaawicii soo gaaray markii xilka laga qaaday Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa hadda ku baahan in la badbaadiyo isla markaasna laga shaqeeyo inuusan maamulkaas dhulka ku dhicin ayna adkaato in dib dambe la isugu keeno beelaha dago deegaanadaas.

Sidoo kale dadka falanqeeyo siyaasadda ayaa aaminsan in kiiska Galmudug uusan mari karin wadadii la marsiiyey Maamulkii uu hoggaaminayey Madaxweyne Cosoble, Wuxuuna Axmed Macalin Fiqi oo ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya Sheegay inaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha laga yeeli doonin inay marqaati beenaad lamid ah kii Hirshabelle ka sameyso  Khilaafka Galmudug sida uu facebookiisa kusoo qoray Maalmo ka hor.