Xildhibaan Carabow oo u jabwaay Yariisow fariinna u diray R/W Kheyre

Waxaa rabaa in aan kahadlo arrin aad u fool xun,uu baraha bulshada uu soo dhigay wasiirka Warfaafinta Soomaaliya taasoo uu si ulakac ah dadka reer Banaadir waliba si gaar ah tilmaama been abuur ah uga sameeyay Mas’uuliyiin dadaaal dheer ugalay sidii ay usoo celin lahaayeen Maqaamka uu Xaqa uleeyahay Gobalka Banaadir.

Sida ku cad dastuurka federaalka Soomaaliya

Qodobkiisa 20aad ee Xurriyadda Kulanka, Bannaanbaxa, Cabashada iyo Codsi-wadareedka
(1) Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu abaabulo, kana qaybgalo kulammo ama bannaabax oo si xasilooni ah cabasho loogu muujinayo, iyada oo aan oggolaansho loo baahnayn.

(2) Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu cabasho qoraal ah u gudbiyo hay’adaha Dawladda.

Waa arin nasiib darrao eh oo aan marnaba ugu dulqaadan karin in Wasiiir heer qaran ah waliba xukuumadda uqaabilsan Warfaafinta uu bartiisa Facbooka uu aflagaado aan geed loogu soo ganban uu ku maago Mas’uuliyiin kasoo jeeda gobalka Banaadir oo horumarro badan iyo dadaal badan usoo galay iyagoo waliba waqtigoodana u huraya sidii ay u heli lahaayeen Maqaamka uu yeelan doono Gobalka Banaadir.

Reysulwasaare Xasan Kheeyre maadaama aad hogaan utahay Xukuumadda uu wasiiirka kayahay Wasiir Abdirahman Omar Isman ,waxaan ku waydiinayaa heerka owoodda sharciyeed ee siinaya Wasiir warfaafinta uu Aflagaadeeyo mas’uuliyiin u doodaayo xuuquuqda dad kabadan qiyaastii 3 Malyan oo muwadiniin ah ku nool gobalka banaadir wiliba aan wax matalaad siyaasadeed ku laheeyn doowladda federaalka Soomaliya.

Mas’uuliyiintaas oo kamid yihiin Xildhibaano 2bada golle ee baarlamaanka ka tirsan oo kasoo jeedaan gobalka banaadir oo sifaha sharciga ah eey umarayaan helida xuquuqdasi ka maqan .

Waxaan rabaa in uu sharraxaad waaffi ah oow naga siiyo sabaaabta ku kalliftay wasiirkaga warfaafinta arinkaas.
Mase la ogtahay arinkaasi xad gudubka eh mudane Reysulwasaare?

FG: Mudane Reysulwasaare hadii aanan helin jawaab cad waxay ii muujinaysaa in ay tahay mid aad adiga aad laqabto.

Mahadsanid .
Xildhibaan Cabduqaadir Carabow Ibraahim.