Xildhibaan Fiqi faalo qaldan ma bixin ee Cali Xaajiyoow xilka Juxa jidka kale ku raadso

Cali Xaaji Warsame oo ah ganacsade iyo siyaasi reer Puntland ah ayaa hadal aan la maldihin ku weeraray xildhibaan Axmed Macalin Fiqi kaas oo dhowaan Dowladda cusub uga digay qaabka ay u wajaheyso xaaladda gobaladda dhexe , Fiqi wuxuu yiri “Dowladdu ha ogaato in gobaladda dhexe ay yihiin halkii laga riday Dowladii kacaanka, Doodu waxey noqotay mid taala dhamaan baraha bulshadda waxaana ay dadku u muuqdeen kuwa la kala saftay labadda masuul.

Weerarka Cali Xaaji ma waxaa u ahaa toosin, wadaniyad, caadifad, xil doon mise xaal kalaa jiroo labad nin meelo kale ayey iska arkeen. Hubanti Cali toosin uma socon oo Twitter-ku ma aheyn meeshii ugu habooneyd hadii uu rabo inuu wax toosiyo, wadaniyad ma’ahan oo hadalka Fiqi wax ka weyn oo masiirka dalka quseeya ayaa dhacay Calina kama hadal.

Anigu ma qabin in siyaasiyiinta reer Puntland faraha la galaan xaaladda Gal-Mudug iyadoo la ogyahay waxa dhex maray bulshooyinka labadda maamul balse Cali samee midaas.

Goormee taariikhdu qabyaalad noqotay ,ma Dowladdii kacaanka ayaa reer gaar ah uu lahaa oo ka dhacday mise mida hadda jirta ayaa qolo gaar ah lee yihiin ,Cali intaan hanooga jawaabo, hadi midii 1991-dii dhacday ay qolo gaar ah laheyd midda hadda jirtana ay la mid tahay markaas Cali Xaaji ayaa saxan oo Fiqi wuxuu u gafay Dowladd hal reer lee yihiin.

Taariikh waa wax horey u dhacay oo cid walba ay ogaan karto, Taariiqda xun waxaa loo sheegaa in cashir laga dhigto oo aaney dib u dhicin halka taariiqda wanaagsan loo sheego dhiiri galin iyo in lagu faano, hadda kadib qofkii bur burkii kacaanka ka sheekeya ma wuxuu noqonaya mooryaan iyo qabiiliste ? hadii ay sidaas tahay waxaan qabaa in sooyaalka siyaasada Somalia laga bilaabo Febraayo 2017.

Fiqi been miyuu sheegay mise waa dhaqan cusub in taariiqda la mucaarado, Caliyoow waxaan ku jiray dadkii rabay inaad Somalia madaxweyne ka noqoto doorashadii u dambeysay adigoo intaan igala aragti fog waxaanse ku su’aalay markale.

1-Ma waxaa been ah in Dowladdii ka caanku ay duntay markii ay ka hor yimaadeen dadka gobaladda dhexe. ?

2-Ma waxaa been ah in saldhiga Caano-Moog ee ku yaala Ceelbuur uu ahaa saldhigii ugu horeeyay ee ciidamo qabiil qabsadaan. ?

3-Ma waxaa been ah in ciidamo beeleed hubeysan ay Jeneraal Ceydiid kasoo gudbiyeen xadka feer feer oo ay ilaa Gelinsoor geeyeen markii ay milatarigii kacaanka xoog ku jiireen. ?

4-Ma waxaa been ah in shirkii ugaasyaddii goboladda dhexe ka yimid iyo madaxweyne Siyaad Barre la isku fahmi waayay kadibna ay colaaduhu bilaawdeen. ?

5-Ma waxaa been ah in Dowladda laga soo saaray dhamaan goboladda dhexe intii aan laga qabsan Xamar. ?

6-Ma waxaa been in dadka goboladda dhexe ay Siyaad dhowr jeer ku eedeeyeen inuu xaqoodii doodsiiyay ka hor intii aaney dagaalamin. ?

Waxaan rajeynaya inaadan midkoodna igu qilaafi doonin, oo hadaba muxuu Cali hadda uga hor yimid in lasoo hadal qaado, anigu dhihi maayo qabylaad ayaa ku qasabtay waxaanse hubaa inuu Cali xildoon yahay balse xeelad xun uu wax ku doonay.

Waxaan la soconaa inuu Cali Xaji Warsame musharax u yahay booska wasiirka arimaha gudaha ee Dowladda Federaalka sidaa darteedna uu sii muujinayo inuu ku fikir yahay xukuumadda Ra’iisul wasaare Kheyre oo iyadu goboladda dhexe ka aaminsan fikir ka duwan midka Axmed Fiqi, waxaa Cali Xaaji hami galiyay go’aankii uu wasiir Cabdi Faarax Juxa ka qaatay arinta Gal-Mudug kaasoo diiday inuu la safto dhinac ka mid ah qeybaha isku haya Cadaado.

Cidna kama qarsoona doorka uu Cali Xaaji ku lee yahay qilaafka cusub ee soo dhex galay madaxweynaha Puntland iyo kuxigeenkiisa inkastoo dadka qaarna ay lee yihiin Siyaad Maxamuud Shire ayaa Cali Xaaji ku wehliya arintaas ,ma qarsoona banaanbixii Cali Xaaji iyo xertiisu ay shalay isku dayeen iney ka sameeyaan Boosaas ee socon waayay, Ma’aqaano inaad heli doonto booska wasiirka arimaha gudaha iyo hadii Ciise Maxamuud aqbali doonaan iney Cumar Maxamuud isku qaateen madaxtinimadda Putland iyo xubintii Dowladda dhexe balse lago ogaa.

Gunaanadkii hadalkeyga, Cali Xaajiyoow hubanti Axmed Macalin Fiqi wax cusub nooma sheegin, kaliya wax horey u dhacay ayuu ka digay iney soo laabtaan taariiq-na waxaa ugu fiican midda ay umaduhu cashir ka bartaan ee adigu xilka walaalka Juxa jid kale oo aan jidbeysneyn ku raadso.

Waxaa Qoray: Cabdulaahi Cismaan Faarax
raafac22@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid