Xildhibaanada Galmudug oo digniintii ugu horeysay siiyay Xaaf

Cadaado (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa markii ugu horeysay digniin u diray Hogaamiyaha maamulka Xaaf.

Xildhibaanada oo ka jawaabaya dalab kaga imaaday Hogaamiyaha ayaa is hortaagay kadib markii uu codsaday in loo ogolaado soo celinta Wasiirada hadda jira qaarkood.

Xildhibaanada ayaa Xaaf uga digay inuu soo celsho Wasiirada, waxa ayna ku wargaliyeen inuu qalqiil gali doono xilkooda, waa haddii uu ku dhiirado soo celinta Wasiiradii uu ka tagay Hogaamiyihii hore ee Galmudug Cabdi kariin Xuseen Guuleed.

Xildhibaanadu waxa ay Xaaf fursad u siiyeen keliya inuu la imaankaro Wasiiro cusub, oo ka duwan kuwa hadda shaqeeya, si uu maamulka u noqdo mid gabi ahaantii cusub.

Duraan Cali Jaamac oo ka mid ah Xildhibaanada Galmudug ayaa sheegay in Hogaamiyaha laga diiday codsigaasi, isla markaana laga doonaayo in uu dhiso wasiiro cusub.

Sidoo kale, Duuraan ayaa tilmaamay in Hogaamiyaha uusan weli la imaan ogolaansho iyo diidmo ku aadan Wasiirada, balse waxa uu rajo ka muujiyay inuu qaadan doono taladooda.

Si kastaba ha ahaatee, Xaaf ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda uu ku dhawaaqo Golaha Wasiirada maamulkiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
Caasimada@live.com