Xildhibaanada garabka Xasan Sheekh oo jawaab ka bixiyey mooshinka Jawaari

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru dowlihii Madaxtooyada Xil. Mahad Maxamed Salaad ayaa si adag uga hadlay go’aanka Guddoomiyaha BFS Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo qaar kamid ah Xildhibaanada BFS ay ku qaadaceen meelmarinta Golaha Wasiirada Xukuumada cusub.

Mahad Salaad oo kamid ah Garabka Xildhibaanada taabacsan Xasan Sheekh ee ka garab dheelaaya Farmaajo iyo Kheyre ayaa sheegay inaan loo dulqaadan doonin in shaqsiyaad dartooda loo caqabadeeyo Wasiirada cusub.

Mahad waxa uu sheegay in Guddoonka BF iyo Xildhibaanada ay dusha saaran doonaan mas’uuliyada wixii ka dhacay is hortaaga Wasiirada.

Xil. Mahad Salaad waxa uu Guddoonka iyo Xildhibaanada BFS ugu baaqay inaanu degdegin oo ay ka fiirsadaan talaabooyinka ay qaadayaan, waxa uuna ku taliyay in marka hore fursad lasiiyo Wasiirada.

Waxa uu sheegay in Xildhibaanada laga doonaayo inaanu sabab u noqon dhibaato ku imaada dalka, isla markaana looga baahan yahay inay meelmariyaan Golaha.

Isagoo arrintaani ka hadlaayay ayuu yiri ”BFS waxaa ka codsanayaa inuu meel mariyo Xukuumaddan, oo uusan noqon mid diida, hadii ay taas dhacdo waxaa uu Baarlamanaka dusha saaranayaa fashilka ku yimaada dowladdaan”

”Waxaan kamid ahay Xildhibaanada aaminsan in la meelmariyo Wasiirada, waayo maba garanaayo sabab aan kaga soo horjeesto waayo ma aanan arag howshooda”

Dhinaca kale, Xildhibaanada BFS ayaa waxaa ololo lagu ansixinaayo Golaha Wasiirada ka dhex wada Xildhibaanada uu soo saaray Xasan Sheekh oo gaaraya 90 Xildhibaan kuwaa oo Heshiis la galay Farmaajo iyo Kheyre.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com