Xog: Heshiis qarsoodi ah oo dhex maray Shariif iyo Cosoble

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle ayaa heshiis qarsoodi ah la galay mid ka mida musharixiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in toddobaadkan kulan qarsoodi ah uu magaalada Muqdisho ku dhex maray Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble iyo Shariif Sheekh Axmed oo ka mida musharixiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Kulankan ayaa ahaa mid ka duwan kulamada ay yeeshaan xildhibaanada cusub Goboleedyada iyo musharixiinta, waxaana dhacday in Cali C/llaahi Saalax uu fadhigiisa ugu tegay Shariifka, isagoo wadahadal dhex maray kadib u balanqaaday inuu taageerayo musharaxnimadiisa xilka madaxweynaha una ololeyn doono sidii loo dooran lahaa.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo xilka uu hayo ku helay taageeradii uu siiyay Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddooyinkii danbe u wareegay taageerada musharixiinta kale, iyadoo aan la ogeyn sababta keentay isbedelka ku yimid.

Waxaa jira khilaaf u dhaxeeya Cosoble iyo Xasan Sheekh, waxaase lagu wareersan yahay halka uu salka ku hyao khilaafkan oo u muquda mid mar un soo booday.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com