Xog: Sidee ayey ku timid in shirka golaha wasiirada lagu qabto Kismaayo?

Kismaayo (Caasimada Online) – Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Shalay golihiisa wasiirada isugu geeyey Magaalada Kismaayo ee Caasimadda Maamulka Jubblanad.

Go’aankaan uu Kheyre soo saaray ayaa ahaa midkii ugu horeeyey oo noociisa ah oo golaha wasiirada ay shirk ku yeeshaann ka baxsan Caasimadda Muqdisho, waxayna dowladda Farmaajo noqotay middii ugu horeysay ee fikradaan hirgeliso.

Haddaba waxaa is waydiin mudan yaa ka dambeeyo in fikradaan la fuliyo, yaase markii ugu horeysay usoo jeediyey dowladda Farmaajo.

Sida laga warqabo markii ay dhammaan Madaxda Maamul Goboleedyada iyo Madaxweynaha Soomaaliya isugu tagaan Magaalada Cadaado si ay uga qeyb galaan Caleema saarka Madaxweyne Xaaf waxaa halkaas khudbad xasaasi ah ka jeediyey Madaxweynaha Maamulka Jubblanad Axmed Madoobe oo xafladaas ka sheegay waxyaabo badan.

Qodobka khudbadda Axmed Madoobe ka khuseyso warbixintaan ayaa ah inuu Madaxwenaha Jubblanad soo jeediyey in shirka golaha wasiirada la geeyo meel ka baxsan Muqdisho isla markaasna la gaarsiiyo deegaanada Maamul Goboleedyada.

Wuxuu Dowladda Soomaaliya ka codsaday inay Fikradaan fuliso, maadaama laga dhahli doono inay is dhexgalaan dowladda iyo Maamul Goboleedyada, isla markaasna ay midaas muujin doonto sida ay dowladda dhexe u jeceshahay inay xiriir wanaagsan la sameysato maamul Goboleedyada.

Haddaba dowladda Soomaaliya ayaa muhiim u aragtay fikradaas, Wuxuuna Ra’isulwasaare Kheyre go’aan ku gaaray in shirka golaha wasiirada marba lagu qabto xarumaha Maamul Goboleedyada dalka si loo hagaajiyo xiriirka ka dhaxeeyo loona muujiyo in maamul Goboleedyada ay wax ka leeyihiin dowladda dhexe.

Axmed Madoobe oo ahaa soo jeediyaha fikradaan ayaa nasiib u helay inuu noqdo Maamulkii ugu horeeyey ee marti geliyo shirka golaha wasiirada, waxaana shalay oo khamiis aheyd Magaalada Kismaayo isugu tagay dhammaan golaha wasiirada oo uu hoggaaminayey Ra’isulwasaare Xasan Cali Kheyre.

Haddaba halkaan hoose ka daawo khudbadii Axmed Madoobe uu ka jeediyey xafladdii Caleemka saarka Madaxweyne Xaaf taasoo uu ku dhex sheegay in Shirka golaha wasiirada la gaarsiiyo deegaanada Maamul Goboleedyada.

 

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com