Xog yaab leh: Wasiiradii Abgaal oo ay xulayaan shaqsiyaad aan beesha u dhalan

Muqdisho (Caasimada Online) – Isbadalkii siyaasadeed iyo doorashadii ka dhacday Somalia 08-Febraayo, ee xildhibaanada qaran horseedka ka ahaayeen ayaa dadka waxay kusoo dhoweeyeen caleema qoyan, qaarna sidii ay u oynayeen indhaha casaadeen, waxaa lagu tilmaamaa isbadalkaasi xamaasadiisii habeenkii xorriyada ee calan saarka 1960-kii.

Dadka Soomaaliyeed caadiyan kama fikiraan isbadalada ay caleemaha qoyan ku soo dhoweeyeen mana dhirin dhiriyaan isbadal noocee ah ayey bulshada u baahan tahay, waxaase shaki ku jirin in Soomaalida erayga isbadal u taqaan mas’uul badalay mas’uul kale.

Dowladda Madaxweyne Farmaajo iyo guushiisa waxay dadka ku haminayeen isbadal ka duwan hab dhaqankii, maamul iyo karti ee dowladdihii ka horeeyay.

Waxaa hadda muuqata in isha aad loogu hayo go’aan qaadashada madaxweynaha, awooda iyo dhowrida dastuurka dalka iyo dadka, caddaalad falka iyo sinnaanta habka awood qeybsiga Soomaalida intaba.

Waxaase durba muuqata xadgudub iyo caddaalad darro xooggan oo lagu hayo beelaha Soomaaliyeed qaarkood, taasi oo kasoo shaac baxday magacaabista golaha wasiirada xukuumadda Somalia iyo xogta laga helayo qaar ka mid ah magacyada dadka ku jira.

Howshu magacaabida oo ah mid u taal Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, haddane madaxweynuhu wuxuu xaq u leeyahay inuu la-tashi kala sameeyo ra’iisul wasaaraha maadaama uu isugu soo magacaabay, taasna awoodeedii waxaa qaatay shaqsiyaad gacan bidxeynaayo, kuwaasi oo awood walbo oo timaada ku dhex milma, loona arko dallaaliin iyo qaswadayaal kala fogeynaayo umadda Soomaaliyeed.

Shaqsiyaad ku heyb ah ra’iisul wasaaraha oo gacanta midig ee Xasan Kheyre noqday markii xilka loo magacaabay si walba haku yimaadaane, ayaa qas iyo fowdo ka waday maalmihii lasoo dhaafay, kuwaasi xilalka wasiirada beel walba kusoo aada ra’iisul wasaaraha ku qasbay una yeeriyay in loo magacaabo dadka ay aadka iskugu dhow yihiin ee ay isla so shaqeeyeen.

Mustafa Dhuxuloow oo xilal kasoo qabtay xukuumadihii hore ayaa noqday shaqsiga saameynta ku leh xafiiska ra’iisul wasaaraha, wuxuuna mustaf dhuxuloow caan ku yahay ku xerashada hadba mas’uulkii cusub ee xafiiska yimaada, laakiin markaani waxay ugu duwan tahay beel ahaan, ayuu ugu dhowaaday Xasan Cali Kheyre.

Talada magacaabida wasiirada ayuu qeyb ka yahay Mustaf Dhuxuloow, waxaana fool xumo iyo magac xumo ay ku tahay ra’iisul wasaare Kheyre in Mustaf Dhuxuloow uu kusoo dhoweysto beel ahaan una yeeriyo shaqsiyaadka saaxiibka dhow uu la yahay inuu u magacaabo Wasiiro.

Sida xantu nagu soo gaartay Mustaf Dhuxuloow ayaa wasiirada qaar soo xulay iyo shaqsiyaad kale oo gacan bidxeynayo howshii Kheyre, waxaa xog-ogaal u nahay in Mustaf Dhuxuloow wasiirkii beesha Abgaal uu usoo xulay Eng. C/raxmaan Yariisoow oo saaxiibo ay wada qaraabtaan yihiin, ama uu yahay mid ka mid ah laba wasiir oo beeshaas loogu talo-galay.

Waa arrin meel ku dhac ku ah beesha Abgaal iyo beelaha kale ee la midka ah in xubnihii kaga soo aaday galaha wasiirada in shaqsiyaad dallaaliin ah usoo xulaan shaqsigii ay iyaga wataana keensadaan.

Guuxa beesha Abgaal oo horayba u ahaa mid deganeyn, salna laheyn ayaa hadda bannaanka imaanayo haddii ay dhacdo arintaani, waxaa soo deg degaya kalsooni darada dowladda cusub ee lagu han weynaa inay dalkaan isbadal u horseedi doonto.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com