Xoghayaha guud ee QM oo hal arrin uga digay dowlada federaalka ah ee Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa waxaa looga digay kusii fogaanshiyaha askareynta carruurta qeybta ka ah ciidamada dowlada.

Qoraal kasoo baxay Hay’adda QM ayaa waxaa lagu sheegay in dowlada Federaalka ay weli ku howlan tahay askareynta carruurta aan qaan gaarka aheyn.

QM waxa ay sheegtay in ay ka walaacsan tahay Askareynta Caruurta aadka u yar waxa ayna sheegtay dalal ay Soomaaliya ku jirto, in Caruurto loo adeegsado dagaalada, iyagoo loo isticmaalayo Ciidan ahaan.

Antonio Gutters oo ah Xoghayaha Guud ee QM ayaa tilmaamay in ay aad uga xun yihiin Tacadiyada ka dhanka ah Caruurta la Askareeyo, taasi oo uu ku sheegay in ay geystaan dowladaha qaar oo ay ku jirto Somalia.

Antonio Gutters, ayaa sheegay in dalka ugu horeeya ee carruurta loo adeegsado askareynta uu yahay Somalia, waxaana ku xiga dalka Syria oo isna ay ka jiraan colaado xad dhaafay.

Si kastaba ha ahaatee, Mr Antonio Gutters ayaa ka digay in laga jeesto digniinaha ay soo saareyso QM, waxa uuna ku baaqay in laga fogaado carruurta dooneysa inay garab boodaan ciidamada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com