Yaa ka qeybqaadan doona doorashada aadka u adag ee maanta?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhow lagu wadaa in magaalada Muqdisho, gaar ahaan Xarunta Golaha Shacabka Baarlamaanka Somalia ay ka dhacdo Doorashada Guddoomiyaha BFS.

Doorashada oo inbadan ka duwan kuwii hore ayaa waxaa la filayaa inay ka qeybqaatan Xubno ka socda Beesha Caalamka.

Guddoomiyaha KMG ee guddoonka baarlamaanka Cismaan Cilmi Boqorre oo warbaahinta gudaha wareysi siinayay ayaa sheegay in doorashada maanta ay goob joog ka noqon doonaan wakiilada beesha caalamka ka jooga caasimada intooda badan, isaga oo rajo ka muujiyay in doorashada ku dhacdo jawi degan.

Xildhibaan Aadan Isxaaq Cali Xoghayaha Guddiga qaban qaabada Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka oo isna la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in iminka ay dareemayaan saxmad aan horay loo arag.

Xildhibaan Aadan Isxaaq, waxa uu sheegay in Doorashada ay qeyb ka noqon doonaan Wakiilada Beesha Caalamka, isla markaana Xildhibaanada looga baahan yahay inay muujiyaan xasilooni.

Siddoo kale, qaar ka mid xildhibaannada baarlamaanka oo aragtidooda doorashada ka hadlay ayaa sheegay in doorashadan maanta tahay mid xiiso gaar ah xambaarsan, islamarkaana bulshada ka rajeynayaan natiijo farxad galisa.

Lama oga cida kusoo bixi doonta Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia, waxaana lagu wadaa in Saacadaha soo socda kadib uu dalku yeesho Guddoomiye Baarlamaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com