Faallo: Yaa ra’iisul wasaare ka ah dalka Soomaaliya?

Xilka Ra’iisuwasaaraha waa xilka ugu sareeya hay’adda fulinta. Dastuurka waxaa ku qoran in uu yahay Madaxa Xukuumadda Federaalka ah, wuxuuna xaq u leeyahay magacaabista iyo xil ka qaadista xubnaha Golaha Wasiirrada, horgeynta Golaha Shacabka xubnaha Golaha Wasiirrada iyo Barnaamijka xukuumadiisa si ay u siiyaan kalsooni.

Waa hogaanka siyaasadda iyo maamulka ee Golaha Wasiiradda. Raysulwasaarahu wuxuu ka soo jeedo Beelaha Muqdisho dega. Waxaa laga filayey in uu ka xigsan doono Madaxweynaha reer Muqdisho. Laakiin waxaa muuqata in uu arrinkaas ku fashilmay. Muqdisho waxaa ka socda shirar lagu diidan yahay Gudoomiyaha maamulka Gobolka Banaadir, laguna doonayo maqaamka iyo metelaadda Gobolka.  Waxaa dhinaca kale gudaha iyo debada dalka ka socda shirar siyaasadeed oo dhaliilo loogu jeedinayo xukuumada Kheyre. Shirarka ayaa waxaa horboodaya siyaasiin reer Muqdisho ah.

Gudoomiyaha gobolka waa nin saamayn xooggan ku leh Madaxweynaha iyo Raysulwasaaraha, waana tan keentay in loo magacaabo xilka gudoomiyaha Gobolka noqdana gudoomiyihii ugu da’da yaraa ee Gobolka soo mara.

Waxaa muuqata in Raysulwasaaraha iyo Gudoomiyaha Gobolka ay si wayn isugu laran yihiin. Xafladii xil wareejinta oo ay dadku filayeen in Wasiirka Arrimaha Gudaha goobjoogu ka noqonayo ayaa la arkay Raysalwasaare kheyre oo goobta dhex taagan. Gudoomiyaha wuxuu maanta calaqday xaflad caleemo saar oo si boqortooyo loo soo agaasimay, toos looga tebinayey taleefishanadda. Fardo iyo mootooyin, shirib iyo Fanaaniin heeso amaan ah tumayey.

Waxaase amakaak ku riday dadkoo dhan markii  uu xaflada ku soo biiray Raysalwasaare Kheyre iyo xubnihii Golaha Wasiiradda. Waa dhaqan weli ku dhiman siyaasadda in Raysalwasaare sacab ka tumo xaflad gudoomiye lagu soo dhoweynayo. Waxaase iswayndiin leh ma gudoomiyaha ayaan kalsooni qabin oo cudud iyo garab uga baahan Kheyre ? Mise Kheyre ayaa Mukalaal Madow laga yahay oo Gudoomiyaha isku Ilaalinaya.

W/Q: Cabdi Xaashi

Afeef: Aragtida qoraalkan waxay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid