Muqdisho (Caasimada Online) – 136 Mudane oo ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa taageero u muujiyay qabashada doorashada maamulka Koonfur Galbeed, taas oo haatan uu qorshaheeda wado Cabdicasiis Lafta-gareen.
Xildhibaannadan ayaa soo jeediyay in Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ay qabato doorasho daah-furan oo loo dhan yahay, isla markaana waafaqsan dastuurka iyo mabaadi’da federaalka, iyagoo uga digay Madaxweynaha Soomaaliya fara-gelinta maamulka Koonfur Galbeed.
“Xildhibaannadu waxay si adag u cambaareynayaan duulaanka qaawan ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo xukuumaddiisa ay ku qaadeen dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, taasoo ah mid ciidan iyo xayiraad safar ee bulshada deegaannadaas,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka ay soo saareen xildhibaannadan.
Sidoo kale waxay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo xukuumaddiisa uga digeen “inay sii wadaan ku tumashada dastuurka, ku takri falka awoodda iyo kala qeybin bulsho,” iyagoo ku hanjabay haddii ay ka waantoobi waayaan ay xildhibaanadda labada aqal qaadi doonaan tallaabooyin adag oo maamuus ka qaadista madaxweynaha.
“Waxaan u soo jeedinaynaa labada maamul ee HirShabelle iyo Galmudug in ay qabsadaan doorashooyinka heer dowlad goboleed si waafaqsan dastuuradooda iyo dastuurka KMG 2012 ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka.
War-murtiyeedka
TAAGEERIDDA QABASHADA DOORASHADA KOOFURGALBEED.
Xildhibaannada Labada Gole ee Baarlamaanka JFS waxay soo dhoweynayaan go’aanka Dowladda Koonfur Galbeed ee Qabashada Doorashooyinka iyo Magacaabista Guddiga Doorashada, si waafaqsan Qodobada Dastuurka Koonfur Galbeed iyo Dastuurka KMG ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Xildhibaannadu waxay soo jeedinayaan in Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ay qabato doorasho daahfuran, loo dhan yahay, islamarkaana waafaqsan dastuurka iyo Maba’da federaalka.
Si taa la mid, ah waxaan u soo jeedinaynaa labada maamul ee Hirshabeelle iyo Galmudug in ay qabsadaan doorashooyinka heer dowlad goboleed si waafaqsan Dastuuradooda iyo Dastuurka KMG 2012 ee JFS.
Xildhibaannadu waxay si adag u cambaareynayaan duulaanka qaawan ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xukuumaddiisa ay ku qaadeen dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, taasoo ah mid ciidan iyo xayiraad safar ee bulshada deegaannadaas.
Dhacdooyinkaas iyo falalka foosha xun waxay toos u wiiqayaan awoodda iyo sharciyada loo kala leeyahay nidaamka federaalka ee dalka iyo sumcadda ciidanka, iyagoo sidoo kale fursad u siinaya kooxaha argagixisada inay ka faa’iideystaan kala qeybsanaanta gudaha.
Xildhibaannada labada aqal waxay uga digayaan madaxweynaha iyo xukuumaddiisa inay sii wadaan ku tumashada dastuurka, ku takri falka awoodda iyo kala qeybin bulsho, falalkaas ay caddeysteen haddii ay ka waantoobi waayaan xildhibaannada labada aqal waxay qaadi doonaan tallaabooyin adag oo waafaqsan qodobka 92aad ee Dastuurka oo sheegaya maxkamadaynta iyo maamuus ka qaadista Madaxweynaha marka lagu eedeeyo khiyaamo qaran, xadgudub culus oo dastuur ah.
Ugu dambayn, Waxaan ugu baaqaynaa bulshada Soomaaliyeed qaybaha kala duwan in ay ilaashadaan amniga, midnimadooda iyo wadajirkooda, sidookale beesha caalamka ee taageerada ku bixisa dowlad dhiska Soomaaliyeed inay u istaagto qayb ka noqoshada badbaadinta dowladnimadii ay dhismaheeda waqti iyo dhaqaale badan ay ku bixiyeen.




