29 C
Mogadishu
Monday, April 20, 2026

Koonfur Galbeed oo ka digtay dagaal sokeeye, Xasan-na ku dacweysay caalamka

Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhabo (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ayaa soo saaray digniin culus oo ku aaddan xaaladda ammaan iyo midda siyaasadeed ee gobolka, isagoo sheegay in tallaabooyinka milatari ee ay qaaday Dowladda Federaalka ay horseedi karaan dagaal sokeeye iyo masiibo bini’aadannimo oo hor leh.

Faafin degdeg ah oo ka soo baxday Madaxtooyada Koonfur Galbeed, taas oo ku qornayd luuqadda Ingiriiska ayaa lagu sheegay in dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay dooratay inay xoog ciidan u adeegsato khilaafaadkii siyaasadeed ee qorshuhu ahaa in lagu xalliyo hab dastuuri ah.

Maamulku wuxuu xaqiijiyay in tallaabadan ay dalka u horseedi karto waddo khatar ah oo dib u soo celin karta isku dhacyadii gudaha.

War-saxaafadeedka ayaa lagu naqdiyay habka loo adeegsanayo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA). Waxaa lagu sheegay in ciidankii ay tababareen saaxiibada caalamka sida Turkiga, Imaaraadka, UK iyo Mareykanka ee loogu talagalay la-dagaallanka argagixisada, hadda loo weeciyay in lagu fuliyo ajandayaal siyaasadeed.

“Waxa xanuun badan ah in ciidankii qaranka laga dhigay ciidan hab beeleed ku dhisan, iyadoo ciidamo laga soo qoray beesha Madaxweynaha la geeyay gobolka si ay u caburiyaan shacabka Koonfur Galbeed,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Koonfur Galbeed waxay sidoo kale walaac ka muujisay hubka ay dowladda Masar ugu deeqday Soomaaliya, kaas oo la sheegay in loo weeciyay khilaafka gudaha halkii lagula dagaallami lahaa kooxda Al-Shabaab.

Maamulku wuxuu tilmaamay inay tahay wax lala yaabo in ciidanka loo isticmaalo Baydhabo, xilli deegaanno ay ka mid yihiin Tiyeeglow, Rabdhuure, iyo Kurtunwaarey ay weli gacanta ku hayaan kooxaha argagixisada ah.

Dhinaca kale, Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa ku eedaysay dowladda dhexe inay waddo qorshe lagu kala jabinayo maamulka, gaar ahaan isku dayga lagu doonayo in Shabeellaha Hoose looga gooyo maamulka.

Tallaabadan ayaa lala xiriiriyay damaca madaxweynaha ee ku aaddan maamulidda heshiisyada shidaalka iyo gaaska ee lala galay dalka Turkiga.

Ugu dambeyntiina, Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay si degdeg ah u soo farageliyaan xaaladda si looga baaqsado masiibo bini’aadannimo, loona dhowro xasilloonida yar ee ay Soomaaliya ku tallaabsatay sannadihii u dambeeyay.

Xaaladda magaalada Baydhabo iyo nawaaxigeeda ayaa haatan ah mid kacsan, iyadoo ay ka billowdeen barakac ay sameynayaan dadka rayidka ah ee ka baqaya inay waxyeello ka soo gaarto iska horimaadyo dhici kara.

- Advertisement -

Read more

Local News