29 C
Mogadishu
Monday, April 20, 2026

Xoghayihii hore ee difaaca Mareykanka: Aad ayey noogu xun tahay xaaladda Iiraan

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online)— Xoghayihii hore ee Gaashaandhigga Mareykanka, James Mattis, ayaa bixiyay qiimeyn dhab ah oo ku aaddan xaaladda cakiran ee dagaalka Iiraan iyo Marinka Hormuz, isagoo si kulul u dhaliilay maamulka Madaxweyne Donald Trump oo uu ku eedeeyay inuu ku guuldareystay inuu yeesho istaraatiijiyad fog oo ku wajahan Iiraan.

Isagoo ka hadlayay shirka weyn ee arrimaha tamarta ee CERAWeek oo ay hareeyeen madmadow iyo hubaal la’aan ka dhalatay colaadda sababtay inuu si taariikhi ah u go’o saadka shidaalka adduunka, ayuu Jeneraalkan hawlgabka ah u sheegay ka qaybgalayaasha: “Waxaan ku jirnaa xaalad aad u adag, marwooyin iyo mudanayaal, mana arko xulashooyin badan oo wanaagsan.”

Mattis, oo xilka iska casilay 2019-kii kadib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo Madaxweyne Trump, ayaa ka digay in haddii Mareykanku uu ku dhawaaqo guul oo uu ciidamadiisa kala baxo gobolka, ay xukuumadda Tehran si buuxda ula wareegi doonto gacan-ku-haynta Marinka Hormuz.

“Waxaan aaminsanahay inaan arki doonno Iiraan oo canshuur ku soo rogta markab kasta oo maraya marinkaas — taas oo ah arrin uusan gabi ahaanba qaadi karin suuqa caalamku,” ayuu yiri.

Wuxuu xusay in yoolalka istaraatiijiyadeed ee Mareykanka iyo Israa’iil ee ka dhanka ah Iiraan ay weli yihiin kuwo “mugdi ku jiro”. Isagoo arrintaas falanqeynaya ayuu raaciyay: “Mareykanku wuxuu ka dagaallamayaa dagaal si weyn u xaddidan, waxaana filayaa in waxa aan arkeyno ay yihiin xaalad ay duqeymaha iyo bartilmaameedsiga diyaaraduhu aysan marnaba beddeli karin istaraatiijiyad la’aanta jirta.”

Mattis ayaa sidoo kale sharraxay sababta ilaalinta maraakiibta badda ay u noqon doonto caqabad weyn oo xambaarsan khataro lixaad leh. Wuxuu tilmaamay in xitaa iyadoo Iiraan awooddeeda la wiiqay, ay weli awood u leedahay inay maraakiibta ka soo weerarto xeebteeda aadka u dheer ee gobolka.

“Haddii aad eegto xeebta Gacanka Texas oo dhererkeedu yahay 367 mayl, waxay ku siinaysaa sawir ah sida ay ugu adkaan doonto Ciidamada Badda Mareykanka inay isku dayaan ilaalinta maraakiibta maraya marin-biyoodkaas, kaas oo gaaraya 600 oo mayl oo dhanka Khaliijka ah iyo 100 mayl oo dhex marta Marinka Hormuz ka hor inta aan la gaarin biyaha furan,” ayuu yiri Mattis.

Wuxuu intaas ku daray in ciidamada Iiraan ay haystaan gantaallada casriga ah ee lagula dagaallamo maraakiibta oo dhabarka laga saari karo baabuurta xamuulka qaada, kuwaas oo gari kara masaafo dhan 100 mayl, arrintaas oo ah dhibaatada ugu weyn ee hortaagan ilaalada badda.

Dhanka dhaqaalaha, qiimaha shidaalka ayaa hoos u yara dhacay Isniintii kadib markii Madaxweyne Trump uu ka laabtay hanjabaadihiisii ahaa inuu duqeynayo warshadaha korontada ee Iiraan. Madaxweynaha ayaa sidoo kale shaaciyay in ergooyinkiisu ay wada-hadallo la lahaayeen sarkaal sare oo Iiraani ah, isagoo sheegtay in dhinacyadu ay isku raaceen qodobo badan.

Qiimaha saliidda ceyriin ee Brent ayaa weli ah mid aad u sarreeya, balse fiidnimadii Isniinta wuxuu hoos uga dhacay $100 doolar fuustadii, kadib markii uu dhammaadkii toddobaadkii hore xirmay isagoo maraya $112 doolar. Qiimaha shidaalka ayaa ahaa qiyaastii $73 doolar kahor inta aan la bilaabin duqeymaha Iiraan saddex toddobaad kahor, qiimahaas oo laftiisu ka turjumayay cabsida laga qabay in dagaal uu qarxo.

Suzanne Maloney, oo ah madaxweyne ku-xigeenka hay’adda falanqeynta ee Brookings Institution, ahna agaasimaha barnaamijkeeda siyaasadda arrimaha dibadda, ayaa ku raacday in ujeeddada Mareykanka ee ah in la rido hoggaanka Iiraan iyo in isbeddel nidaam la sameeyo ay tahay mid si xad dhaaf ah u adag.

“Waxaan qabaa in qof kasta oo yaqaana Iiraaniyiinta, oo garanaya dalka, uu rajo weyn iyo yididiilo u hayo Iiraan, laakiin nasiib darro, nidaamkani wuxuu si weyn ugu xeel-dheer yahay badbaadada,” ayay tiri Maloney oo madasha la wadaagtay Mattis.

Ugu dambeyn, Mattis iyo Maloney ayaa hoosta ka xariiqay in xal u helidda xiisadda tamarta ay u baahan tahay in Mareykanku uu si dhow ula shaqeeyo xulafadiisa.

“Xaqiiqada dhabta ah ayaa ah, ma jirto dhibaato la xiriirta luminta haatan ee saadka tamarta oo uu hal waddan oo keliya xallin karo,” ayuu yiri Mattis. Wuxuu ku taliyay in marka laga duulayo fahamkaas istaraatiijiyadeed, la arki karo doorka xulafada—ha noqoto dhanka milateriga ama cunaqabateynta dhaqaale—si loo qaado tallaabooyin Iiraan ku qasbaya inay timaado miiska wada-xaajoodka.

 

- Advertisement -

Read more

Local News