11 halis dhaqaale oo dowlada Xasan wajihi karto 2022-ka

By W/Q: Cabdicaziz Gurbiye

Muqdiso (Caasimada Online) – Waxaa bartamihii bishii May ee sanadkan dalka ka dhacay isbadal siyaasi ah, iyada oo laga gudbay sanad iyo bar hubanti la’aan iyo firaaq dastuuri ah ahaa, sidaasi ay tahay maamulkan cusub ee madaxweyne Xasan Sheekh ma wato ushii Nabi Muuse, oo waxaa uu wajihi karaa khataro dhaqaale iyo qalalaaso maaliyadeed, taasi oo looga badbaadi karo uun oo keliya xukuumad waxtar leh, kalsoonida beesha caalamka iyo wadashaqeynta hey’adaha labada heer ee dowladda dhexdooda oo dhinac ah, iyo is-aaminaadda dowladda  federaalka labadeeda heer iyo shacabka oo dhinac kale ah.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa sadaalinta maaliyeed ee miisaaniyadda 2022-ka ku sheegtay khataro dhaqaale, iyada oo intaa raacisay in walaacoodu uu  weliba aad u daran yahay, waxaa ka mid ah:

1. COVID 19:  Xukuumadda Soomaaliya waxaa ay sheegeysaa in dillaaca fayraska Covid 19 ama musiibo kalaba ay horseedi doonaan hoos u dhac dhaqaale oo gudaha ah,  taasi oo soo dedejin karta in dibadda lagu tiirsanaado, waxaa kale oo halis ku sii ahaan doonaa abaabul kasta oo loo galo dakhli uruurin.

2. Kobaca Dhaqaale ee Deeqaha Horumarineed: Soomaaliya waxaa ay weli si weyn ugu tiirsan tahay kaalmaha horumarineed ee ka timaada saaxiibada horumarineed. Iyada oo US iyo Eurozone ay diiradda saarayaan hubinta xasiloonida dhaqaale ee dalalkooda, arrintaas oo u badan in qulqulka gargaarka si togan uu saameyn ugu yeesho.

3. Sicir Bararka: Daahidda roobabka badhtamaha sanadka iyo saadaasha xilliga qalalan ee bilaha October iyo December waxay u badan tahay in si xun u saameyso waxsoosaarka cuntada gudaha, taas oo sii xumeyn doonta waxqabadkii horay u liitay. Si cadaadiska sicir bararka hoos loogu dhigo, dowladda ayaa waxaa la gudboon dib usoo celinta awoodda shilinka Soomaaliga iyo in la yareeyo daabulidda lacagta adag.

4. Qiimaha Sarrifka: Doolarka Mareykanka waxaa uu sii ahaandoonaa lacag nabdoon ee maalgeshadayaasha waqtiga hoos u dhaca, Xoojinta lacagta doolarka Mareykanka ayaa saameyn xun ku yeelan doonta awoodda shilinka Soomaaliga, taasi oo keeneysa in uu hoos u sii socon doono qiimaha sarrifka lacagta marka loo eego xilliga dhexe.

5. Dhoofinta Saafiga ah: Joojinta xajka 2021-kii ayaa si weyn u saameysay dhoofka Soomaaliya, iyada oo dalabkoodu inta badan ku xiran yahay bariga dhexe, gaar ahaan Xajka.

6. Cimmilada Xun: Khataraha dhaqaale ee wasaaradda maaliyadda ay saadaalisay waxaa ka mid ah sida wax soo saarka waddanku hoos ugu dhacayo iyada oo lagu sameynayo hannaaka cimillada oo gurracan.

7. Kororka Wax Soojedinta: Sadaasha cimillo xumida, roob la’aanta iyo abaaraha oo sii jira waxaa ay horseedi doonaan in ay korarto wax soo dejinta, oo ay yaraadaan ama meesha ka baxaan wax dhoofinta, taasi oo khatar ku ah dhaqaalaha dalka.

8. Ammaahda Dowladda: Dhameystirka deynta bangiga adduunka iyo bangiga horumarinta Afrika oo lagu dhawaaqay rubucii hore ee sanadkii 2020-kii ee ku dhawaaqista deyn cafinta Naadiga Paris ayaa hoos u dhigtay deymihii dowladda ee muddada gaaban.

9. Yaraanta heerka Dhaqaalaha: Yareynta Heerka dhaqaalaha ee horay u xadidnaa waxaa ay qeyb ka qaadan doona in Soomaaliya ay waajib ku tahay bixinta  dulsaarka waqtiga ku haboon iyo bixinta lacagaha muhiimka ah ee kasoo horjeeda waajibaadka taagan.

10. Horumar La’aanta Dowlad Goboleedka: Horumar yarida ka jirta dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka ah, gaar ahaan abaabul la’aanta dakhliga gudaha iyo ku tiirsanaantooda deeqaha caalamiga ah iyo dowladda federaalka ah, waxay halis ku tahay dhaqaalaha dalka iyo horumarkiisa.

11. Saameyntii Doorashada: Doorashadii oo muddoo jiitameysay iyo gelstii firaaqa dastuuriga ahaa waxaa ay keentay in sanadkan bilowgiisa la diyaariyey miisaaniyad 3 bil ah oo KMG ah, iyada oo kharashka baxay muddaasi uu ahaa qabyo-qoraal miisaaniyadda 2022-ka, taas oo lagu daray miisaaniyadda cusub oo inta badan ah saadaalin, haddii sida loo rabo aan loo helin waxay khatar ku noqon kartaa dhaqaalaha dalka.

Khatarahaasi aan sheegnay kuma jiraan khataraha amni  iyo qaar kale ee dal ama dibadba laga filan karo, si looga gudbana ay waajib tahay in maamulkan cusub ee madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’isul wasaarihiisa Xamse Barre ay dalka ka hirgeliyaan xukuumad ay wasiiradoodu la iman karaan aragti iyo aqoon dalka looga samatabixin karo khataha aan soo sheegnay, kana fog eex iyo nin jecleysi.