Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano gaaraya 110 xildhibaan oo ka tirsan baarlamanka Soomaaliya ayaa qoray mooshin ka dhan ah guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawaari.
Sida xog gaar ah ay ku heshay Caasimada Online, Mooshinkan ayaa waxa uu diidayaa in Jawaari uu hogaamiyo kullanka baarlamanka ee Isniinta oo codka kalsoonida loogu qaadi doono xukuumadda cusub ee ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid.
Xildhibaanada oo la hadlay Caasimada Online, ayaa ku dooday in Jawaari uusan dhex dhexaad ka ahayn arrinta xukuumadda maadaama uu jiro heshiis u dhaxeeya isaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaare Cumar, ayna ka cabsi qabaan in codad been ah uu u tiriyo xukuumadda.
Waxa kale oo ay xildhibaanada sheegeen in xeer hoosaadka baarlamanka qodobkiisa 9-aad, farqada 5-aad uu diidayo in Jawaari uu kullanka hogaamiyo maadaama uusan dhex dhexaad ahayn.
Sida ay Caasimada Online horey u daabacday, Guddoomiye Jawaari ayaa soo xulay dhammaan wasiirada beelaha Digil iyo Mirifle oo uu ku jiro wasiirka maaliyadda Maxamed Aadan Ibraahim Fargeeti, sidaa darteedna waxaa laga cabsi qabaa inuu u hiiliyo xukuumadda.
Sidaas darteed ayay lee yihin xildhibaanada “Jawaari caddaalad kama noqon karo arrinta”, waxayna dalbadeen inay ku xigeenadiisa ay hoggaamiyaan kullanka Isniinta.
Si kastaba, lama yaqaan sida mooshinkan iyo dalabka xildhibaanada uu u hir-geli doono maadaama Jawaari uu yahay guddoomiyaha baaarlamanka oo wax walba isaga ay ka go’aan. Arrintan ayaa sidoo kale jahwareer cusub sii gelineysa xaaladda siyaasadeed ee DF oo markii horeba cakirneyd.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

