Hargeysa (Caasimada Online) – Arin naxdin badan oo naadir ku ah dhulka Soomaalida degto ayaa ka dhacday xaafada 26 Juun ee magaalada Hargeysa, kadib markii nin aan la ogeyn inuu fiyoow yahay iyo in kale uu isku dayay inuu gubo Masjid ku yaal xaafadaasi iyo Jameecaddii ku tukuneysay Salaadii duhur shalay.
Ninkan oo gudaha usoo masjidka xili xili Jameecadda ay ku guda jireen tukushada Salaadii Duhur, waxaana uu ku bil bilay Basiin, isagoo sidoo kale bud la dhacay Imaamkii Masjidka.Jameecaddii Masjidka ayaa Salaadii faarujisay, waxaana meesha ka dhacay kala carar, halka dadka qaarkii ay ka difaaceen ninka doonayay inuu gubo masjidka iyo Jameecadda.
Arintan foosha xun ee naadirka ku ah dhegaha dadka Soomaaliyeed ayaa ah mid mucjiso ah oo lala yaabay, taasoo aan horay ugu dhicin dhulka Soomaalida ay degto.

