2 sano kaddib weli waxa ay maskaxdeydu akhrineysaa wixii dhacay 14-kii October

Laba sanno ayaa ka soo wareegatay markii hal maalin goob lagu wada laayey dad shacab ah oo aan waxba galabsan, sheekada taariikhdan ayaa diiradda saareysa tallaabooyinkii uu qaaday duqii Muqdisho ee xilligaas Thaabit Cabdi Maxamed.

Sheekada ayaa isugu dhacaysa sidaan.

Waxa ay aheyd maalin Sabti ah 14-kii October 2017, waxaan ka soo laabannay cabbaaro 15:15PM waddada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye oo aan kormeer ku tagnay, waxaa nala socday Injineerro dhismo, si ay u dadajiyaan mashruuc lagu dhisayey waddooyin hor leh oo isku xira Banaadir iyo Shabeellooyinka, xilligaas waxaa nala socday wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan.

Waxaan soo marnay Isgoyskii SOOBE, xilligaas aad buu saxmad u ahaa, annaga oo ku sii jeednay xarunta aqalka dowladda hoose oo uu booqanayey Ra’iisul wasaare Khayre, Guddoomiye thaabit ayaa gaariga uga dagay Isgoyska SOOBE si uu u kala fududeeyo saxmadda gaadiidka, ugu dambeynna saraakiisha ilaalada waddooyinka kala hadlay in ay kala xalliyaan gaadiidka tirada badan ee waddada isku xiray.

markii aan gaarnay xarunta Aqalka dowladda Hoose,10 Daqiiqo kaddib waxaa na soo  gaartay farriin sheegeysa SOOBE in uu ka dhacay Qarax weyn.

Duqa Muqdisho  isla markiiba waxa uu  go’aansaday in uu tago goobta uu qaraxa ka dhacay si xaaladda uu indhihiisa ugu arko.

Tallaabadii 1-aad

Waxaan u soo dhaqaaqnay SOOBBE, markii aan imaannay dhinaca Laami yaraha SOOBE waxaan isku daynay in halkaas aan ka soo  galno laakiin burbur iyo qiiq badan oo meesha hareeyey darteed waxaan duqa Muqdisho kula talinay in weli meesha aysan amni aheyn wax walbana ay dhici karaan, markiiba waxaan  u wareegnay dhinaca  dhabarka dambe ee Hotel Safaari oo aan u soo lugeenay,  indhaheygu waxa ay qabanayeen hotelkii oo dhulka ku darsamay, wax argagax leh bey aheyd.

Thaabit marka uu soo istaagay halkii uu xasuuqa ka dhacay, runtii dareenkiisa iyo annaga dhanba waan isbaddelnay, waxaa joogay goobta saraakiil ka tirsan ciidammada Booliiska, waa uu u yeeray si daran ayuu u cannaantay waxa uuna ku amray in ay waddooyinka si deg deg ah ku furaan oo ay goobtaan u baahan tahay gurmad dowlad iyo mid shacabba, waxanina ay yihiin musiibo Qaran.

Isku xirka gurmadka iyo shacabka caasimadda

Dhowr daqiiqad kaddib Thaabit waxa uu la xiiriiray Raadiyo Muqdisho, shacabka caasimadda ayuu ugu baaqay in ay isku soo baxaan oo ay dhiig iyo gurmadba la soo gaaraan ummaddooda la xasuuqay, saacaddu waxa ay aheyd  abbaaro 16:30-tii galabnimo.

Waxaan xusuustaa annagoo weli goobta joognay in burburkii hotel Safaari aan ka dhexmaqalnay cod qof dumar ah oo qeylineysa, laakiin waxaa ka sii xannuun badneyn in aanan waxba u qaban karin isla markaas, maxaa yeelay burburka dhismaha beni’aadan kaliygiisa ma qaadi karin,  waxaa loo baahnaa Cagaf-cagafyo, oo meel ay ka soo galaanna aysan jirin.

Waxaan soo aadnay mid ka mid ah xarumaha hey’adaha amniga oo shirar ay ka socdeen, Thaabit iyo  madaxdii ku kulansaneyd shirkaas waxaa dhexmaray muran oo waxa u diiddanaa shirar aan waxba soo kordhineyn in wakhtiga lagu dhammeeyo, shacabka la gummaadayna ay gurmad weyn u baahnaayeen, waxa uu yiri “joojiya  shirkaan ee aan dadkeenna u gurmano fadlan, qaar baa diiday, laakiin waxa uu sheegay in ay xisaab ka dambeyn doonto hadalladaas.

Maalintii oo dhan waan wada soconnay, waxaa jirtay in Thaabit iyo anigaba aanan maalintaas oo dhan wax raashiin ah afka saarin, maadaama aan shaqooyin kala duwan magaalo u aadnay, markiiba waxaan u dhaqaaqnay Isbitaal Madiina, halkaas ayuu Duqii Muqdisho ku shubay dhiiggiisa, si shacabka kale ay u fahmaan mudnaanta uu lahaa gurmadka dhiigga.

Sidoo kale waxaan booqannay isbitaalladii la geeyey dhaawacyo kala duwan.

Habeenkii oo dhan waxaan u dhexeenay isbitaallada iyo Isgoyskii SOOBE, wax walba markaas lama qaban karin, waxa ay aheyd dhacdo ka tan weyn dowlad kaliyah.

Thaabit waxa uu aad ugu dadaalayey kuna cel-celinayey arrinta dhiig shubista, laakiin markii uu waaga baryey isbitaalka waxaa tagay kumammaan shacab ah oo dhiiggooda shubay, cabbaar kaddibna waxaa soo gaaray isbitaalka madaxweyne Farmaajo oo isaguna dhiiggiisa shubay, laakiin ma jirin Bangiga keydka dhiigga, isbitaallada waxa ay sheegeen in intaan ka badan aysan keydin karin dhiig isla markaana la joojiyo, si loo maareeyo dhiigga la shubay.

isla maalintaas waxaan sii wadnay arrinta gurmadka, waxaa bilowday sidii loo dadajin lahaa qaadista dhaawacyada halista ah, waxaan booqanay xarun ay isku abaabuleen dhallinyaro Soomaaliyeed oo markii dambe loo bixiyey xarunta gurmad Qaran, dhallinyaradii aan u tegnay waxa uu ku dhiirogaliyey in ay is qeybiyaan, isla markaana ay ku dadaalaan sidii gurmadka loo mideyn lahaa.

Maalintii labaad waxaa soo bilowday diyaarado sida daawooyin gurmad ah oo ka yimid wadamada Soomaaliya saaxiibbada la ah, waxaana lagu wareejiyey maamulka gobolka Banaadir iyo wasaaradda Caafimaad oo iyaguna u qeybiyey isbitaallada Muqdisho.

Hal maalin kaddib waxaa dalka dibeddiisa caafimaad loogu qaaday boqollaal shacab ah oo qabay dhaawacyo halis ah. Thaabitd waxa uu xaqiijiyey dhammaan dhaawacyada in si nabad ah lagu qaaday ayna ku gaareen waddamadii loo qaaday.

Abaabulka isku soo baxyada shacabka

18-kii October waddada Maka Al-mukarama waxaan kula kulannay kummanaan shacab ah oo is iskooda ah isugu soo baxay, waxa ay ku qeylinayeen cadowga na gummaaday doonimeyno, Thaabit waxa uu isku dayey in uu xakameeyo isku soo baxyadaas oo uu  kula hadlay agagaarka km4, waxa uu ku wargliyey in isku soo bax uu ka dhici doona  garoonka kubbadda cagta ee  Ex Koonis.

Isla galabtaas waxaa garoonka dhacay isku soo bax weyn oo dadkii dhintay iyo kuwa dhaawacmayba loogu baroor-diiqayey.

Kalmaddii taariikhiga aheyd

Ilaa hadda waxaan la yaabanahay hadal Thaabit khubaddiisa ku jirtay oo ahaa “caawa waxaan ka lugeyn doonaa garoonka waxaana ku tegi doonaa ilaa SOOBE” runtii waxa uu hadalkaas iila muuqday aniga mid  aanan suurogal aheyn waxaan u sababeynayey xaaladda amni ee taagneyd wakhtigaas.

Dhowr daqiiqad kaddib waxaan waayey Duqii Muqdisho, markaas waxa uu iska soo dhexgalay shacabkii garoonka ka soo baxay, durbaba waxaan soo xusuustay in uu ka dhabbeeyey hadalkiisii, waan raadiyey, waan weynay waxa ay nagu qaadatay in aan ogoaanno goobta uu ku sugnaa wakhti badan.

Waxaa aad noogu adkaatay in aan u dhowaanno oo ciddii u dhowaataba shacabkii la socday ayaa sidii ilaaladiisa isku gadaamay, kana ilaalinayey cid walba oo ku soo dhowaata.

Dardaarankii Thaabit

Waxa uu lugtaas ku tagay SOOBE oo uu kula dardaarmay shacabka Muqdisho, waxa uu yiri “maanta waxaad heysataan fursad aad dalkiina ku xorreyn kartaan, cadowgaan idin laayey ma idinka joojin doono gummaadka ee ka dhiidhiya walaalayaal”.

Laba sanno kaddib maanta waxa ay maskaxdeedu ku laabatay xaaladdii taagneyd wakhtigaas aan ka soo sheekeeyey, welina shacabka caasimaddaan ku nool waa dulmanayaan, sidii ayaa loo Qarxiyaa, sidii ayaa loo dilaa, laakiin weli jawaab looma helin hadalkii duqii Muqdisho Thaabid Cabdi Maxamed ee ahaa ka dhiidhiya gummaadka gurracan ee cadowga.

W/D Cabdulqaadir Maxamed Xasan (Timoos)