Muqdisho (Caasimada Online) – Mas’uuliyiin ka kala socotay wasaaradda duulista hawada xukuumadda federaalka, maamulka gobolka Banaadir iyo wasaaradaha duulista hawada ee maamul goboleedyada Hir-Shabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaa shalay galab kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho.
Xubnahaas aya kulankooda waxa ay uga arinsanayeen halka laga dhisayo garoon cusub oo loo weecinayo duulimaadyada garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde, kidib markii uu batay ciririga garoonka Muqdisho.
Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ee xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Salaad Oomaar oo kulankaas ka hadlay ayaa sheegay in wasaarddiisu ay diyaarisay Enjineeradii dhisi lahaa garoonka cusub.
Wasiir Oomaar ayaa kulanka ka sheegay in ay kordheen diyaaradaha ka dega garoonka Aadan Cadde, taas oo sababtay cariiri badan oo ka jira garoonka.
Sidoo kale waxa uu sheegay wasiirku in dhismaha garoonka cusub ay soo gaba-gabaynayaa inta lagu guda jiro sanadkaan 2019-ka.
Guddi uusan shaacin magacyadooda iyo inta ruux ee ay ka koobanyihiin ayuu sheegay wasiir Oomaar in ay u magacaabeen ka shaqeynta dhismaha garoonka cusub.
Mas’uuliyiinta ka socotay maamulada Hir-Shabeelle iyo Koonfur Galbeed ayuu sheegay in ay kala tashaneysay wasaaradu, halka laga dhisayo garoonka isagoo sheegay in labada Shabeelle oo labada dhinac xuduud kala leh gobolka Banaadir ay ka heystaan dhul laga hir galin karo garoonka cusub.
Ilaa hada wasiir Oomaar iyo xubnihii kaleba si rasmi ah uma shaacin halka laga dhisayo goroonka cusub ee diyaradaha, kaas oo ay qorsheynayso wasaaradda gadiidka iyo duulista hawada xukuumadda Soomaliya in laga dhiso meel ka baxsan magaalada Muqdisho.
Markii la dhiso garoonkaas ayuu sheegay wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada in loo weecinayo duulimaadyada garoonka Aadan-Cadde, kuwaas oo iskaga kala goosha gobolada dalka iyo guud ahaan caalamka.
Caasimada Online
Xaafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com