2 sano kadib Somalia sidan kama aysan fileyn Qatar

Dowladda Qatar ayaa shalay ku dhowaaqday inay lacag dhan 73 milyan oo riyaalka Qatar ah, una dhiganta 20 milyan oo dollar oo ay ku taageereyso miisaaniyadda dowladda Soomaaliya ee sanadkan 2019.

Warkan oo uu ku dhawaaqay amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa yimid kadib markii uu magaalada Doha kula kulmay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Taageeradan ayaa muhiim ah dowladda xilli ay jiraan warar sheegaya in lacag badan ay ka dhiman tahay miisaaniyadda dowladda ee sanadkan, ayada oo bilihii dhowaa dowladda ay wajahaysay dhaqaale xumo.

Hase yeeshee, ballan-qaadka 20-ka milyan ee Qatar ma ahan wixii aan ka filaynay kadib laba sano oo ay Soomaaliya garab taagneyd, waxa uuna caddeyn kale u yahay in siyaasaddii dowladda Soomaaliya ay ugu xiratay Qatar, una colaadisay Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ay ahayd mid qaldan.

Adiga oo aan meel fog ka raadin, waxaa caddeynta koowaad ka heli kartaa in Sacuudiga ay sanadii 2018 ay miisaaniyadda dowladda Soomaaliya ku kabatay 50 milyan oo dollar, inkasta oo ay jirtay inay ka xumeyd in dowladda Soomaaliya ay kala safatay Qatar.

Qatar oo shacabka Soomaaliyeed ay aad u taageereen ayaga oo rumeysan in gar-darro ay ku maageen Sacuudiga iyo Imaaraadka, ayaan ugu abaal-gudin sidii ay filayeen.

Tusaale, bishii June ee sanaddii 2018 waxay Qatar miisaaniyadda dowladda Jordan ku kabtay 500 oo milyan oo dollar, inkasta oo ay jirto in Jordan tahay dal ka horumarsan aadna uga dhaqaale badan Soomaaliya.

Su’aasha is-weydiinta mudan ayaa ah, haddii Qatar aysan Soomaaliya siin karin xitaa lacag u dhiganta midda Sacuudiga ay dhiibeeen, maxay tahay danta aan ku qabno ee aan darteed ula dagaalnay dalal sanado badan saaxiib la ahaa Soomaaliya.

Ka sokow taageerada miisaaniyadeed, Sacuudiga iyo Imaaraadka waa laba dal oo muhiim u ah dhaqaalaha Soomaaliya. Sacuudiga waa suuq muhiim ah xoolaha Soomaaliya, halka Dubai ay tahay magaalo ganacsatada Soomaaliyeed ay aad uga soo dhoosadaan badeecadaha.

Soomaaliya waa u ceeb in dal ay colaadisay uu siiyo 50 milyan oo dollar, halkii kii ay saaxiibka ka dhigatay uu 20 milyan kusoo tuuray kadib laba sano oo ay dowladda Soomaaliya garab taganeyd.

Haddii aysan jirin dano shaqsiyeed oo ayna ogeyn oo ay madaxda dalkeena ku haystaan Qatar, waxay ila tahay in la joogo waqtigii aan dib u sixi lahayn qaladkii aan galnay, oo ana macsalaameyn lahayn Qatar.

W/Q: Jabriil Cabdullaahi Calasow
Minneapolis, Minnesota

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid