20 ka mid ah musharraxiinta oo wata baasaboorro shisheeye (Magacyada iyo dalalka)

February 8, 2017-ka, waxaa dalka ka dhaceysa doorashada madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ah, 20 ka mid ah 24-ka murashax ee hadda taagan waxaa ay heystaan Baasaboor kale,  dhibaatada intaa kuma koobna, haddii sidan lagu socdo, Soomaaliya waxaa madaxweyne ka noqon kara qof heysta dhalashada dalka Itoobiya. ma jirto dowlad sharaf leh oo ogolaaneysa in uu madaxweyne noqdo ruux dal kale Baasaboorkiisa wata,

Murashaxiinta Iyo Dhalashada Ay Kala Heystaan:

Bashiir Raage Shiiraar,  Maxamed Axmed Jabarte, Axmed Maxamed Cabdi iyo Saciid Cabdulahi Deni marka laga reebo inta kale waxaa ay wataan Baasabooro kale.

Dooddan  waxaa keeney qodobka 8aad oo ka hadlaya shacabka iyo jinsiyadaha, u fiirso dastuurka qodobkiisa 8aad faqradiisa 3aad oo u qoran: Qof leh jinsiyadda Soomaaliyeed lagama qaadi karo jinsiyadda Soomaaliyeed, xataa hadduu qaato jinsiyad dal kale, halkan waxaa ku cad in qofka Soomaaliga uu qaadan karo labo dhalasho, dooddeena maanta ma aha qofka Soomaaliga ah labo dhalasho ma qaadan karaan,  ee waxa aan ka hadleyno waa qof labo Baasaboor leh ma noqon karaa Madaxweynaha Soomaaliya?!

Dastuurkan KMG ah ee 2012-ka waxaa uu ka duwan yahay dastuuradii hore marka laga hadlayo shuruudaha doorashada Madaxweynaha dalka oo waxaa ku qoran qodobkiisa 88aad: Shuruudaha u Doorashada Madaxweynennimada waa in uu yahay: Muwaadin Soomaali, Muslim ah, Da’adiisu aanay ka yarayn afartan (40) sano, Leh aqoon ama waayo’aragnimo u qalanta xilkaas, Dhimirkiisu dhan yahay, Gelin dembi culus oo ay maxkamadi xukuntay, waxaa muuqata in laga saaray shuruudo ku jiray dastuuradii hore ee dalka! 

Dastuuraddii hore ee Soomaaliya  waxaa aad u adkaa xitaa qofka Soomaaliga ah in uu isku qaato labo dhalasho, sida ku qoran xeerka dhalasha ee dastuurkii 1962-dii, qofka waxaa uu muwaadin yahay marka aabihii uu Soomaali yahay, ha degenaado gudaha ama dibadda dalka laakiin aan heysan dhalasho kale ama iska celiya dhalashada dalka kale.

Arrinta ku saabsan shuruudaha qofka noqonaya madaxweynaha Soomaaliya ee dastuuradii hore ku qornaa waxaa ay ahaayeen kuwoo aad u adag, waxaan soo qaadneynaa sida ay u kala horeeyaan: 

Dastuurka Soomaaliya 1960-kii, qodobka  71aad waxaa ku qornaa shuruudaha mudnaanshaha Madaxweynimada: Muwaadin kasta oo Muslim ah, Aabihii iyo Hooyadiina ay labaduba yihiin, muwaadiniin asal ah oo xaq u leh in uu cod dhiibto/bixiyo,  Madaxwaynaha Jamhuuriyadda ma qabi karo, mana guursan karo haweenay aan asal ahaan muwaadin Soomaali ahayn muddada uu xilka xafiiska hayo. 

Dastuurka Soomaaliya 1979-kii, Qod. 81aad waxaa sidoo kale lagu soo qaatay Shuruudaha Doorashada iyadoo lagu qoran sidan: Waxaa loo dooran karaa jagada Madaweynaha JDS. Qof kastoo Soomaali ah, Aabihii iyo Hooyadiina Asal ay Soomaali yihiin horey aan u guursan, intuu Xilka hayana guursanin Qof aan Soomaali aheyn. 

Dastuurka Soomaaliya 1990-kii, waxaa qodobkiisa  78aad ku qornaa  Shuruudaha doorashada  waxaa loo daabacay sidan:  Waxaa loo dooran karaa xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda muwaaddin kastoo Soomaaliyeed, Muslim ah, aabihiis iyo hooyadiis Soomaali asal ah yihiin, horay an u gursan, inta uu xilka hayana guursanin qof aan Soomaali asal ahayn.

Qaar ka mid ah murashaxiinta oo aan arrinkan kala hadalney waxaa ay difaaceen madaxweyne labo Baasaboor leh, waxaa ay ku doodayaan in khiyaanada aaney ku koobneyn dadka labada dhalasho leh, iyagoo intaa raaciyay in labada(2) Milyan ee Soomaalida ah oo dibadda ku nool ay xaq u leeyihiin jagadaasi.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaa sheegay in aan la aqbali  Karin in dalka uu madaxweyne ka noqdo shakhsi hooyadii, aabihii ama xaaskiisa aaney Soomaali aheyn halka Sheekh Cabdixayi Aden Sheekh Xasan oo ah imaam iyo bare wax ka dhiga jaamacadda Muqdisho  uu is-weydiiyey  madaxwweynaha labada dhalasho leh  waa su’aale: Dalkee ayuu daacad u noqdaa labada dal?

Abuukaate Tahliil oo ah sharciyaqaan deggen Muqdisho, waxaa uu caddeeyay in caalamka aanu ka jirin dowlad ogolaaneysa mas’uuliyiin labo dhalasho leh, Abuukaataha waxaa uu sheegay in arrinta aanay ku koobneyn madaxweynaha dalka ee la doonayo in xitaa aanay labo baasaboor wadan qof kasta oo xil qaran dalka ka qabanaya sida Madaxweynaha, Ra’isul Wasaaraha, Wasiirada, Xildhibaanada iyo inta ugu muhiimsan shaqaalaha dowladda.

Dunida Kama Jiro Dal uu Madax Ka Yahay Madaxweyne Labo Baasaboor Leh:

Dastuurka Mareykanka waxaa uu qabaa in shakhsiga uu ahaado “natural born Citizen.” da’da 35 sano iyo in uu dalka Mareykanka deganaa ugu yaraan 14 sano.

Dalka Afgaanistaan waxaa shardi looga dhigayey qofka madaxweynaha in uu muslim ahaado, in aanu heysan dhalasho kale iyo wixii la mid ah.

Dalka  Algeria waxaa shuruudda ka mid ah in uu muslim yahay, Algerian yahay iyo xitaa in xaaskiisa aaney heysan dhalasho kale.

Dalka Angola: Waxaa ay shuruudda ku dareen in uu ka dhashay qabiillada dalka degan, weli in uu Afrikaan asal ah yahay.

Dalka Masar tusaale ahaa sanadkii 2012-kii waxaa doorashada laga reebay Sheekh Xaasim Abuu Ismaaciil, ma aheyn in Xaasim uu dhalasho kale heystay laakin waxaa looga reebay markii la ogaaday in hooyadiis ay heshay green card mar ay booqo ugu tagtay gabadheeda oo deganeyd dalka Mareykanka.

W/D: C/Casiis Axmed Gurbiye