Khilaaf ka dhashay doodii musharaxiinta iyo musharaxiin ka baxay doodda

Muqdisho (Caasimada Online )- Sida laga soo xigtay qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka waxaa maanta lagu waday in magaalada Muqdisho ay ka dhacdo dood wadaaga Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha dalka.

Musharaxiinta dooda maanta loo qorsheeyay oo dhan ilaa 12 Musharax ayaa diiday ka qeybgalka dooda kadib markii ay sheegen in DFS ay dooneyso in waxbadan la daboolo.

Musharaxiinta diiday ka qeybgalka dood wadaag, ayaa sheegay in xubno ka tirsan dowladda ay doonayaan in dooda ay noqoto mid qarsoodi ah oo warbaahinta madax banaan aysan ka qeyb galin.

Musharaxiinta diiday dooda ayaa waxaa kamid ahaa Maxamuud Axmed Nuur tarsan, waxa uuna sheegay inaan la aqbali doonin in dooda laga dhigo mid qol mugdi ah lagu dhexqabto.

Tarsan waxa uu sheegay inay ogol yihiin keliya sida horay loogu ballamay in dood wadaaga ay goobjoog ka noqdaan Warbaahinta madaxabanaan.

Sidoo kale, Tarsan ayaa sheegay in warbaahinta madaxa banaan loo diiday dooda , islamarkaana Mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ay dooda Afduubteen.

Si kastaba ha ahaatee, Musharaxiinta doodaasi ka qeybqaadan doona ayaa tirro ahaan dhan 24 Musharax, waxaana loo kala dhantaalad laba qeybood oo ka kala kooban 12 kuwaa oo marba isku bedeli doona dooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com