3 arrin oo laga filayo shirka culimada iyo Xasan Sheekh oo sumad gaar ah ku helay

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed ayaa maalintii afaraad ka socda magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Isniintii furay shirka, ku dhawaad 300 Culimo Soomaaliyeed ah ayaa ka qeyb-galeysa shirweynaha Culimada, kuwaasi oo ay u dhan yihiin firqooyinka kala duwan.

Marxalad xasaasi ah ayuu kusoo aaday shirkaan, diiwaanka u yaalla madaxda Soomaalida ee xagga la-macaamilka Culimada ama hirgelinta Shareecada Islaamka ma qurux badneyn waqti dheer.

Laakiin 2023-ka dadka Soomaaliyeed waxay marqaati ka noqdeen madaxweyne Soomaaliyeed oo raadinaya marjac Diini ah oo loo laabto iyo madaxweyne abaabulaya shir Diimeed.

Culimada waxay madaxweyne Xasan Sheekh uga mahad-celiyeen inuu abaabulay kulan noocaan ah uu kadibna weydiistay Culimada inay si Diini ah dalka iyo dadka u jiheeyaan oo ay sameeyaan marjac Diini ah oo loola laabto qadiyadaha waaweyn.

Shirweynaha Culimada Soomaaliyeed wuxuu kusoo aaday iyada oo si adag loola dirirayo kooxda Al-Shabaab oo dhaqankeeda guracan u galisay shaati Islaami ah.

Culimo badan ayaa hore u sheegtay in uusan dhaqanka Al-Shabaab meelna ka waafaqsaneyn Diinta Islaamka. Marka la eego marxalada uu shirkaan kusoo aaday waxay dad badan qabaan in lagu faa’iido doono oo dagaalka dowladda iyo shacabka waddo uu heli doono sahay fiican oo Diini ah.

Dadka weli kooxda rejada ka qaba wuxuu shirkaan siin doona daliilo cad oo soo afjaraya ku been abuurashada Al-Shabaab ee Diinta Islaamka.

Shirkaan waxaa laga filaya saddex arrimood, kuwaasi oo kala ah;

1. In uu hoos u dhigo loolanka u dhaxeeya firqooyinka Diimaha ee ka jira Soomaaliya, maadama uu dalka marayo meel halis ah oo ay qasab tahay in la badbaadiyo.

2. Xukun Diimeed la xiriira Al-Shabaab: Kooxdan oo ku dhawaad 15 sanno xirneyd shaadh Diini ah ayaa dhaqankeedu burburiyay wixii ay sheeganeysay mudada fog.

Hadda waxaa la filaya inuu shirkan banaanka dhigo waxyaabaha ay mudada fog dhalinyarada ku maran-habaabineysay kooxdu.

3. Dhismaha golaha sare ee Culimada Soomaaliyeed: Mid kamid ah ujeedooyinka shirkan waa in uu dalku yeesho hay’add Culimadu ku mideysan tahay oo marjac u noqota ku dhaqanka maamulka dowliga ah iyo dhaqanka guud ee bulshada Soomaaliyeed oo hadda isagu halis ku jira marka la eego sida taban ee ugu milmay teknoolijayada casriga ah.

Dowladda madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xoog iyo xoolaba galinaysa dagaalka tooska ah ee Al-Shabaab ayaa haddana u muuqata inay si buuxda u dhaqaajisay dagaalka fikirka ah ee lala galayo kooxda Al-Shabaab.