Al-Shabaab oo 73 xubnood looga dilay dagaal culus oo mar kale shalay dhacay

Xarardheere (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa faah-faahin ka bixiyey howlgal shalay ka dhacay deegaano hoostaga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Taliye Biixi oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in 73 xubnood oo kamid ah dagaal-yahaanada kooxda Al-Shabaab ay ku dileen howl-gallo ka dhacay deegaanada Miiroon iyo Baraagta Hurdaaye oo kamid ah deegaanada hoostaga degmada Xarardheere.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamada xoogga dalka ay si buuxdo ula wareegeen gacan ku heynta deegaanadaasi, isaga oo xusay in howl-galkaan ay qeyb ka ahaayeen diyaaradaha dagaalka, ayna jab weyn gaarsiiyeen kooxda Al-Shabaab.

“Dagaal sagaalkii subax  bilawday oo ka dhacay deegaano ay kamid yihiin Miiroon iyo Baraagta Hurdaaye oo ay ka qeyb qadanayeen diyaaradaha dagaalka Saaxiibada Caalamka ayaa lagu dilay 73 kamid ah Shabaabka deegaanada Miiroon iyo Baraagta Hurdaayana ciidanka ayaa la wareegay, walina baacsi ayaa lagu sii haya kooxdii ku sugneyd deegaanadaas,” ayuu yiri Jeneraal Biixi.

“Ilaahay waa ku jabiyay Khawaarijtii, dhaawac iyo mayd farabadan ayaa meeshaas yaalla, waxay u kala carareen wadada Caad iyo wadada Mililiqo waa lagu raadjooga aad ayaana loo jabiyay.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in kooxda Shabaab ay tahli waayeen inay qaataan dhaawacyadooda, ayna ku daba jiraan firxadka kooxda, islamarkaana ay sii wadi doonaan dagaalka illaa inta Shabaab laga ciribtirayo guud ahaan dalka.

Degmada Xarardheere oo dhawaan ciidanka dowladda la wareegeen ayaa ahayd saldhigii ugu weyna kooxda Al-Shabaab ee deegaanada gobolka Mudug, waxaana maalmihii dambe ciidamada dowladda halkaasi ka wadeen howl-gallo is-ballaarin ah.

Barqanimadii shalay ayay ahayd markii ay dowladda federaalka ee Soomaaliya shaacisay in toddobaad gudaheed Al-Shabaab laga dilay in ka badan 300 xubnood, howl-galadaas oo si gaar ah uga kala dhacay gobolada Galgaduud, Mudug, Shabeelaha Dhexe, Shabeelaha Hoose iyo Baay.

Sidoo kale, illaa 10 deegaan oo ka tirsan maamulladaas ayay dowladdu sheegtay inay soo galeen gacanteeda, waxaana ka mid ah deegaanadaas Janaay Cabdalle oo ka tirsan Jubbada Hoose.