3 arrinoo mar kasta looga hadlo shirka London haddana aan fulin

London (Caasimada Online) –  Waxaa Khamisitii Magaalada London lagu soo gabagabeeyey shirkii Soomaaliya halkaas loogu qabtay, waxaana ka qeyb galay ku dhawaad 40 dowladood oo ay kamid ahaayeen dowladaha dariska la ah Soomaaliya.

Markuu shirka dhamaaday kadib, waxaana laga soo saaray war murtiyeed iyo heshiisyo ay isku afgarteen dowladda dhexe iyo Beesha Caalamka oo ay hormuud u tahay dowladda Ingiriiska.

Sida la filayey waxaa shirka kasoo dhex muuqday 3 qodob oo markasta looga hadlo shirka London isla markaasna war murtiyeedka lagu soo saaray.

Seddexdaas waxyaabood oo aan markasta laga weyn shirka London ayaa kala ah:

  • Amniga
  • Dowladda Wanaaga
  • Dhaqaalaha

Haddaba halkaan hoose ka aqriso Natiijada kasoo baxday seddexdaan qodob oo u muuqdo inaan sida loo ballan qaaday loo fullin doonin, maadaama horey loo arkay inaysan ka gudbin wadahadal iyo ballan qaad.

Xoojinta Amniga Qaranka:

  1. Waxaan aqoonsaneynaa qorshaha amniga ee Soomaaliya lana dar dar galiyo hormarinta amniga iyo dhaqaalaha dalka in la tayeeyo, wxaana loo baahan yahay in tababaro kala duwan oo tayo leh la siiyo ciidanka Soomaalida si ay colaadaha usoo idleeyaan iyo qolyaha xag jirka ah.
  2. Waxaan soo dhaweyneynaa heshiiskii siyaasiga ee taariikhiga ahaa kaasi oo dhex maray hogaamiyasha Soomaaliya 16-kii April 2017 si la isugu daro ciidamada dowlada dhexe iyo kuwa maamul goboleedyada si ciidan qaran guud ee Soomaaliya loo helo.
  3. Waxaan ku heshiinay inaan hogaamino qorshaha siyaasadeed ee Soomaaliya la timid ee ku aadan dhisada ciidan qaran iyo in beesha caalamka ay taageero buuxdo ka hesho.
  4. Heshiiska siyaasadeed ee madaxa Soomaaliya waxaa ku jirto in madaxda ay amaanka gobolada guud sugan si 2021 hadafyada siyaasadeed ee dagsan loo gaari karo ayadoo beesha caalamka ciidanka Soomaalida garab tagnaan doonto.
  5. In la aqoonsado Soomaaliya inay awoodo soo dhoofsashada hubka iyo rasaasta ayadoo raaci doonto xeerka heshiiska cunaqabateenta Soomaaliya dhanka hubka ka saaran oo qayb ahaan horey loo qaaday.

Waxaana la qaadi doonaa talaabooyin muhiim ah oo taxadar badan ku dheehan si loo gaaro in Soomaaliya gabi ahaanba laga qaado xayiraada hubka.

  1. Waxaa la aqoonsaday in ka ganacsiga dhuxusha sharcidarada ah uu yahay il dhaqaalo oo ay argagaxisada siweyn ugu tiirsan tahay sidoo kalena xasiloon darada gobolkana lagu wado.

Waxaa loogu baqaayaa dhamaan qaybaha kala duwan inay u hogaansamaan qaraarka golaha amaanka ee ganaaxayo in dhuxusha Soomaaliya la dhoofiyo.

  1. Waxaan sidoo kale aqoonsaneynaa hormarinta ciidanka Soomaaliya ay ku xiran tahay sida ay ula shaqeeyaa ciidamada kale ee dalka ku sudan sugida amaankana ka qayb qaadanayaan.
  2. Waxaa kaloo lagu talinaa in AMISOM hawsha adag oo ay hayaan lagu bogaadiyo sidoo kalena ay muhiim u yihiin sugida amaanka guud sidoo kalena ay kaabayaan dhisada ciidanka Soomaaliya.
  3. Waxaan taageero siineynaa qorshaha ah in amaanka guud ee Soomaaliya lagu wareejiyo ciidanka qaranka Soomaaliya wixii ka dambeeyo 2018 oo ay AMISOM ku wareejin doonto, waxaana loo baahan yahay in talaabo kasto cadaato ahdaafteedana ay dhameestiran yihiin.
  4. Waxaa la bogaadinayaa dadaalada dowlada federaalka Soomaaliya iyo ciidamada amaanka bada ee ka hortagaan burcad badeeda sidoo kalena aad loo yareeyay sanidihii ugu dambeeyay hadanan weli qatarta burcad badeedka waa mid jirto oo u baahan in wax weyn laga qabto.

Helida Siyaasad Xasiloon:

  1. Waxaa muhiim ah in heshiiska laga gaaray ee ah dhameestirka dastuurka la dar dar galiyo, wuxuuna sababi karaa nabad waarto iyo barwaaqo hadii dastuurka dib loogu laabanayo la dhameestiro lana ansaxiyo.
  2. Waxaa lasoo dhaweynaa dowlada federaalka iyo maamul goboleedyada sida ay ula shaqeeyaan baarlamaanka oo wadaan dib ugu laabashada iyo sixitaanka dastuurka guud ee Soomaaliya ku dhaqmi doonto.
  3. Waxaa lasoo dhaweynaa heshiiskii dhawaan ay wada gaareen dowlada federaalka iyo maamul goboleedyada oo ku aadagnaa qeebsashada awoodaha, qeyraadka iyo daqliga, nidaamka siyaasada iyo cadaalada guud ee loo baahan yahay.
  4. Waxaa lasoo dhaweynaa sida ay kaga go’antahay dowlada federaalka in la gaaro dimuqraadiyad dhameestiran oo ah qof iyo cod doorashada 2021.
  5. Waxaa lasoo dhaweynaa heshiisyada ay wadaan dowldada federaalka iyo maamul goboleedyada si loo xaliyo qilaafyada soo laab laabtaan iyo gobolada qaar ka dhacaan.
  6. Waxaa lasoo dhaweynaa in la joogteeyo wada hadalada muhiimka ah ee u dhaxeeyaan Soomaaliya iyo Somaliland waxaana lagu bogaadinaa dowlada federaalka sida ay kaga go’an tahay dar dar galinta arinkaan sidoo kalena fursad wanaagsan ayaa loo arkaa doorashada Somaliland ka dhici doono November 2017 taasi oo dar dar galin karto wada hadalada laba dhinac u socdaan.
  7. Waxaa lasoo dhaweynaa saameynta iyo doorka wanaagsan oo ay ku leeyihiin diyaasbarada iyo bulshada rayidka si xasilooni loo helo iyo barwaaqo Soomaaliya gaarto.
  8. Waxaa la kaloo aqoonsanaa muhiimada ay leedahay dhowrida xuquuqda aadana iyo shuruucda ku dhaqankooda la hirgaliyo si joogto ah.

Waxayna hay’adaha calaamiga ah si adag kala shaqeenayaan madaxda Soomaalida dhowrisay xuquuq insaanka iyo in loo siman yahay sharciga hortiisa.

In La Dar Dar Galiyo Soo Kabashada Dhaqaalaha Soomaaliya:

  1. Dhaqaalo adag oo ay Soomaaliya leedahay kaasi oo dadka noloshooda wax ka badali karo sidoo kalena fursado shaqo abuuri karo ayaa muhiim ah yareynta kuwa dhibaatada u nugul, joogteynya xasilooni waarto iyo sare u qaadista hormarinta nolosha deegaan walbo ka jirto.
  2. Xawaaladaha waxay muhiim u yihiin una ahaayeen baahida dhaqaale iyo gar gaarka aadanaha ee Soomaaliya sidoo kalena kobaca dhaqaalaha wey ka qayb qaataan.

Waxaana loo baahan yahay in la dajiyo siyaasad lagu sameenayo xiriir waaro oo dhex maro bangiyada si loo yareeyo halista ka dhalan karto lacagaha xawaaladaha lagu soo diro.

Si arimahaas wax looga qabto loona hormariyo doorka dowlada federaalka Soomaaliya waa muhiim.

  1. Goobaha wax soo saarka leh waa kuwo marwalbo aas aas u ah dhaqaalaha dalka inuu hano qaado, waxaa muhiim ah in la helo maal gashi joogto ah kuwaas oo dhaqaalaha dib usoo celin karaan sidoo kalena kaabayaasha dhaqaalaha in dib loo soo celiyo waa muhiim.
  2. Waxaan soo dhaweyneynaa talaabooyinka ay qaaday dowlada federaalka Soomaaliya si musuq maasuqa loola dagaalo kaasi oo ragaadiyay in siyaasada iyo dhaqaalaha hormar ka gaarto Soomaaliya.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET