Dhageyso Sanbaloolshe: DF Muqdisho ma joogi karto haddii ay mucaarado beesha…

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha nabadsugidda C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo ka qeyb galay kulan ay isugu yimaadeen beelaha Mudulood (Abgaal) oo looga doodayey maqaamka Gobolka Banaadir  ayaa ka dhawaajiyey inaysan dowladda Soomaaliya hal cawo joogi karin Muqdisho haddii ay mucaaradaan Beesha Mududlood (Abgaal) .

Wuxuu sheegay in kulankaan uu ka qeybgalayo marna uu yahay mid dowladda lagu mucaaradayo, haddana uusan aheyn sidaas, wuxuuna ka dhawaajiyey inuu isaga dowladda Soomaaliya u gudbin doono cabashada ay qabaan beelaha Mudulood.

“ Waan ku faraxsanahay inaan kulankaan idinla qeybgalo, horta aniga shirkaan uma joogo dowladnimo ee muduloodnimo ayaan u joogaa, aniga ma aaminsani inuu shirkaan yahay mid lagu mucaaradayo dowladda, haddana kama marno, waan dareensanay in maqaamkii Muqdisho laheyd laga tagay, cid ka hadleysana aysan jirin haddana waxaan ka cabsi qabaa inay tahay ooyinta orgiga ka weyn, haddii Wasiirka Arrimaha gudaha iyo duqa Muqdisho aysan ka qeyb galeyn kulankaan waxaa ii muuqato inuusan kulanka mucaaradnimo ka marneyn ee aan runta isku sheego” ayuu yiri Sanbaloolshe oo kulanka Mudulood ka hadlay.

“ Wixii dhacay tiigsi malahan, waxaan qabaa hadda kadib hadduu alle yiraahdo, dowladda aniga gaarsiinayo cabashadiina, waana la maqlayaa, inta dowladda dadkaan mucaaradaan hal cawo halkaan ma joogo karto, haddii dowladda iyo dadkaan iska hor imaadaana dowladda dariishada ayey ka baxday” ayuu sii raaciyey hadalkiisa.

Wuxuu kaloo tilmaamay in Magaalada Muqdisho ay tahay caasimadda Soomaaliya, isla markaasna loo baahan yahay inay maqaamkeeda hesho, sidoo kalana ay nabad noqoto, haddii aysan sidaas dhicin aysan dowladda waxba qaban karin, wuxuuna wax lagu faanay ku tilmaamay in Hotelada Muqdisho lagu dagan yahay boqolaal dollar halka kuwa Hargeysa lagu jiifto 20 Dollar.

Wuxuu sii raaciyey inay dowladda Muqdisho marti ku tahay isla markaasna ay muhiim tahay in Mudulood la qanciyo sida uu hadalka u dhigay.

Haddaba halkaan hoose ka dhageyso hadalka uu Sanbaloolshe ka sheegay shirkii ay yeesheen beelaha Mudulood (Abgaal).

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET