3 caqabad oo maamulka Galmudug laga dhisi la’yahay

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Waxaa rajo xumo wayn laga muujinaya helitaanka dhismaha Galmudug loo dhanyahay iyadoo uu sii kordhaya khilaafka arintaasi ku saabsan.

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in dhismaha iyo howlihii maamulka ay Xukuumadda Soomaaliya kuwado si dardar leh balse ay jiraan cabashooyin barbar socda oo ay muujinayaan Ahlu-Sunna iyo dadka degaanka.

Aqoonyahaan Xirse Iimaan oo ka tirsan dadka ka soo jeeda Galmudug xog ogaalna u ah arrimaha maamulkaasi ayaa sheegay in ay jiraan dano siyaasadeed oo isdiidan, kuwaas oo aan ka tarjumeen maslaxadda guud ah ee Galmudug.

  1. Caqabada ugu weyn ee dhismaha Galmudug waa in madaxda dowladda Soomaaliya ay doonayaan in ay ka baxaan heshiis ay la galeen Ahlu-Sunna kaas oo ay beesha caalamka uga digtay in la baalmaro.
  2. In dhamaan odayaasha iyo beelaha Galmudug aysan ku qanacsaneen sida ay dowladda federaalka Soomaaliya u wado dhismaha maamulka.
  3. Iyo dowladda Soomaaliya oo dooneysa in aysan degaanka u dhisin maamul ku saleysan rabitaanka shacabka balse dooneysa in ay u dhisto mid ku saleysan danaheeda siyaasadeed iyo doorashada 2020-ka.

Waa saddex qodob ee ugu weyn ee dib udhigay dhismaha maamulka Galmudug sida uu noo sheegay aqoonyahaan Xirse Iimaan iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, kuwaas oo ka soo jeeda degaanada Galmudug.

Guddiga Farsamada ee dhismaha Galmudug ayaa shalay Shaaciyay Jadwalka doorashada inkastoo ay ka soo horjeesteen masuuliyiin ka tirsan Ahlu-Sunna waljameeca.