Xildhibaan Fiqi oo farriin iyo dalab culus u diray xeer-ilaaliyaha cusub ee qaranka

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo ka tirsan Madasha Xisbiyada Qaran ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook farriin ugu diray xeer-ilaaliyaha cusub ee qaranka ee uu madaxweyne Farmaajo magacaabya shalay.

Hoos ka aqriso qoraalka Fiqi.

Waxaan soo dhowaynayaa xeer ilaaliyaha cusub ee xilkaas weyn loo magacaabay shalay Md. Sulaymaan Maxamed, aqoon badan uma lihi balse xilka loo magacaabay ayaan aqaanaa iyo qaabkii siyaasadaysnaa ee xilkaas dano gaar ahaaneed ayadoo laga leeyahey loogu shaqaysan jirey uuna u fududeyn jirey ninkii asaga uga horeeyey.

Waxaan xeer Ilaaliyaha cusub kula dardaarmayaa inuu xilkaas iyo waajibaadkiisaba u guto sida sharciga dalku qabo, oo aan laga dhigan aalad lagu shaqaysto ama lagu fushado dano siyaasadeed oo gurracan, asagoo ka tusaale qaadanaya in maalin un uu ka tagi doono, markaasoo xumaantii iyo gaboodfalladii uu ku kacey ay hortiisa ka muuqan doonaan, ayadoo sumacaddiisii iyo karaamadii uu umadda ku dhex lahaana oo dhaawacan uu ka huleeli doono xafiiskaas.

Waa tallaabo horey loo qaaday in xafiiskii xeer ilaaliyaha guud isbedel lagu sameeyey, anigoo rajaynaya in guud ahaanba garsoorka dalku uu u baahan yahay dib u habeyn iyo isbedel la taaban karo, taasoo u suurtaglin karta hey’addaas mid hawlaheeda u gudata si ka madax-banaan hey’adda fulinta ee dawladda oo ah mid la siman garsoorka.

Ugu danbayn Xeer Ilaaliyaha cusub waxaan kula talinayaa haddii uu xafiiskaas la iman doono dhaqan la mid ah midkii dadkii uga horeeyey xafiiska, waxa u dhaanta inuusan sumacadiisa meeshii uu ku dhaawici lahaa inuusan lugahiisa ku soo doonan, balse haddii uu sida uu yahey oo uu ku dhaaran doono uu u gudan doono xilkiisa, ha soo dhowaado waana midda aan u bogaadinayno xil magacaabistiisa.