Muxuu sababsaday xeer-ilaaliye Axmed Cali Daahir oo xilka looga qaaday?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Shalay xilkii ka qaaday Xeer ilaaliyihii Guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir isagoo xilkaas u magacaabay Sulayman Maxamed Maxamuud.

Faah faahino dheeraad ayaa ka soo baxaya sababtii keentay xil ka qaadistiisa, toos oo ay inta badan dadka Soomaaliyeed dhinacyo badan u kala fasirteen.

Maxamed Maxamuud Cadde oo ah weriye hore islamarkaana arrimaha siyaasadda ka faalooda ayaa sheegay in Axmed Cali Daahir uu dowladda ka ilaalin waayey qaladaad qaanuun, sida shaqadiisu ahayd, taasna ay horseeday in la beddelo.

“Xeer ilaaliyihii Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir waxa uu ku fashilmay in uu dowladda ku ilaaliyo qaanuunka oo aysan sameynin xadgudubyo balse waxaa dhacay wax aan la fileyn, kuwaas oo markii dambe sababay in maxkamad lala tiigsado Xukuumadda iyo aduunyada ay ka yaabto qaladaadka qaanuuniga ah ee dalka ka dhacaya,” ayuu yiri Maxamed Cadde.

“Dowladdu waxay sameysay xadgudubyo waa wayn oo dastuuri ah, waxaana loo baahnaa in uu waxyaabahaas kala taliyo, kana horjoogsado, sidoo kale waxaa jira kiisas badan oo dowladda ku furan sida dad la dilay, dad la is hortaagay, arrimahaas oo dhan waxay aheyd shaqadiisa in uu qanuunka waafajiyo kana tala bixiyo” ayuu yiri Maxamed Maxamuud Cadde.

Xil ka qaadista Xeer ilaaliyihii Guud ee Qaranka ayaa hadal heyn ka dhax-abuurtay bulshada Soomaaliyeed waxaana jira qoraalo kala duwan oo la isku dhaafsanayo Internet-ka.

Dad badan ayaa aaminsan in arrintaan ay saameen wayn ku yeelan karto dacwadda Kiisa Badda ee dalalka Soomaaliya iyo Kenya inkastoo ay jiraan dad badan oo qaba in uusan saameyn ku yeelan doonin xil ka qaadistiisa, maadaama qareenada u doodaya Soomaaliya ay weli sidoodii yihiin.