Dagaal ka dhashay dahab dhulka laga qoday oo ka dhacay Ceerigaabo maanta

Ceerigaabo (Caasimada Online) – Warar hadda naga soo gaaraya magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, ayaa sheegaya in deegaanka Waqa-dariya oo dhinac berri kaga beegan magaalada uu goordhoweyd oo maanta ah ka dhacay dagaal.

Dagaalkaasi oo sababay khaasaro iskugu jira dhaawac iyo dhimashaba, ayaa waxa uu u dhaxeeyay labo beelood oo wada daga deegaankaasi, kuwaasi oo isku mari waayey macdano laga qoto buuro deegaankaasi ku yaala.

Waxaana dagaalkaasi ku naf waayey ilaa hadda inta naloo xaqiijiyey Saddex qof, halka ay ku dhaawacmeen labo qof oo kale, kuwaasi oo ay haleeshay rasaasta meel deyga laheyn ee labada dhinac isku fureen.

Wararka aan helayno ayaa intaasi waxay ku sii darayaan in weli deegaanka Waqa-dariya laga maqlayo rasaas goos goos ah oo ay isku ridayaan Maleeshiyaadka labada Beel, oo iyagu ku muransan macdanta laga soo saaro deegaankaasi.

Ilaa iyo hadda ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Laamaha Amniga iyo Xukuumada Somaliland oo ku aadan dagaalkan maanta deegaankaasi hoos yimaada Ceerigaabo ku dhex-maraya labada Beel.