Hay’adda Socdaalka oo beenisay inay Visa u diiday macallimiin ajnabi ah oo wax ka dhiga Puntland

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa si kulul u beenisay warar shalay ilaa maanta aad looga hadal hayey baraha bulshada oo ku saabsanaa inay dal-ku-gal u diiday macaallimiin Masaari ah oo wax ka dhiga qaar ak mid ah iskuulada Puntland.

Wararkan ayaa waxaa la socday sawirro screenshot ah oo muujinayey wax lagu sheegay inuu yahay website-ka hayadda socdaalka oo ay ka muuqato diidmada Visa-ha ee macallimiinta Masaarida, oo wax ka dhiga iskuullo ku yaalla Qardho, Galkacyo iyo Burtinle.

“Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya (HSJ) waxay si cad u beenineysaa wararka la soo dhigay qaar ka mid ah baraha Bulshada ee sheegaya in Macalimiin masaari ah loo diidey in ay soo galaan dalka ama joogaan.” Ayaa lagu yiri qoraalka hay’adda.

“Sidoo kale Hay’addu waxay caddeyneysaa in Xogta iyo sawirada la baahiyeyba ay yihiin kuwa been abuur ah oo aan Sal iyo raad toona laheyn.”

Lama yaqaan cidda faafisay wararkan oo aad u qabsaday baraha bulshada, hase yeeshee maamulka Puntland wax eedeyn ah oo ku saabsan Visa la diiday uma jeedin dowladda dhexe.

Dowladda Soomaaliya iyo Puntland ayaa horey waxaa u dhex-maray khilaaf la xiriira waxbarashada,  ayada oo Puntland ay mar dowladda ku eedeysay inay shahaado u diiday arday reer Puntland ah oo u socday jaamacado dibedda ah.