Isku day lagu dili lahaa Bin Salman ‘oo horseeday dilka’ ilaaliyaha ilaaliyihii gaarka ahaa ee Boqor Salman

Riyadh (Caasimada Online) ― Kadib dhimashadii General Abdul-Aziz al-Fagham, oo ahaa ilaaliyaha gaarka ah ee boqor Salmaan Bin Abdul-Aziz, ayaa waxa isasoo taraya warbixino ku aadan qaabkii uu u dhacay dilkiisu.

Al-Fagham ayaa waxa la sheegayaa in uusan ku dhiman rasaas ka dhacday gudaha magaalada Jeddah, kadib khilaaf siyaasadeed oo soo kala dhex galay Mamdouh al-Ali xili uu ku sugnaa gurigiisa, sida hore loo sheegay.

Xog cusub ayaa sheegeysay in lagu dhex dilay gudaha qasri lagu magacaabo ‘Qasriga Nabada’, sida ay qortay majaladda Al-khaleej.

Waxa sidoo kale soo shaac baxaysa in Al-Fagham uu isku dayey in uu dilo Maxamed bin Salmaan, kadib markii uu ka gudbay xayn-daabka hore ee ammaan ee Bin Salmaan, taasi oo markii dambe sababtay in ay isku dhacaan ciidamada kooxda loo yaqaan ‘Blackwater’, oo ah koox Mareykan ah oo ka shaqeysa ammaanka Bin Salman, isla markaana sumcad xun.

Al-Fagham iyo Mamdouh al-Ali ayaa la sheegayaa in ay xiligaasi dileen ciidamada Blackwater ee amaanka u qaabilsan amiirka Boqortooyada, iyaga iyo 11 askari oo kale.

Calooshood u shaqeystayaasha Blackwater ayaa daqiiqadihii ugu dambeeyay ku guuleystay fashilinta dilka bin Salman, kadib markii ay dileen Al-Fagham iyo al-Ali, isla markaana ay dhaawaceen saraakiishii kale ee qorshahaasi kula jirtay, sida uu qoray wargeyska Al-khaleej.

“Amiirkii Boqortooyada wax dhibaato ah kama soo gaarin isku deygaasi dil, laakiin dhawaaqa rasaasta ayaa ugu filnaa ka cabsiin” ayaa laga soo xogtay qof dhacdadan xog ogaal u ahaa.

Warbixintan cusub ee ku aadan dilka General Abdul-Aziz al-Fagham ayaa shaki badan galinaysa sax ahaanshaha qaabka rasmiga ah ee loo dilay, xili ay soo baxayaan warbixino kale oo ku aadan qaabka loo dilay Al-Fagham.

Wakaaladda wararka Sacuudiga ee Saudi Press Agency ayaa 30-kii September sheegtay in al-Fagham uu dilay nin ay saaxiibo ahaayeen oo muran uu kala dhaxeeyey, xilli uu ku sugnaa gurigiisa magaalada Jeddah. Waxay sidoo kale sheegtay in qof kale oo Sacuudi ah iyo shaqaale u dhashay dalka Philippines lagu dhaawacay.

Sida ay tiri warbixinta wakaaladda, qofkii dilay Al-Fagham iyo waxaa kadib dilay ciidamada ammaanka oo kusoo baxay dhacdadan, ayada oo shan askari ay ku dhaawacmeen dhacdadan.

Tan iyo wixii markaas ka dambeeyey waxaa jiray shaki badan oo ku saabsan warka dowladda, ayada oo dad badan ay ku adkaatay inay rumeystaan.