KENYA oo la wareegtay AMNIGA madaxweyne ku xigeenka Jubbaland

Nairobi (Caasimada Online) – Sida uu qoray wargeyska Daily Nation ciidamada Milatariga Kenya ayaa la wareegay amniga madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan oo hadda ku sugan gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi.

Wargeyska oo soo xiganaya sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada difaaca dowladda Kenya ayaa sheegay in wafdiga uu hogaaminayo Sayid Aadan la dajiyey Hotel ku yaalla magaalada Mandera, islamarkaana ay la wareegeen amnigiisa, sida uu hadalka u dhigay.

Sarkaalka la hadlay Daily Nation ayaa sidoo kale sheegay in ciidanka Itoobiya ay u diideen madaxweyne ku xigeenka inuu gudaha galo magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Sidoo kale wuxuu sarkaalku ka gaabsaday inuu faah faahin intaasi ka baxsan bixiyo, isagoo sheegay in xukuumadda Nairobi looga baahan yahay inay ka jawaabto arintaasi.

Xaaladda gobolka Gedo ayaa muddooyinkii dambe aheyd mid kacsan, kadib markii maamullada degmooyinka Beledxaawo, Luuq iyo Doolow ay shaaciyeen inay ku biireen dowladda federaalka Soomaaliya oo la wareegtay deegaano ku yaalla gobolka Gedo.

Lama oga sida ay noqon doonto xaaladda, iyadoo dhaq dhaqaaq milatari oo u dhexeeya ciidamada Itoobiya iyo kuwa Kenya laga dareemayo gobolkaasi.

Si kastaba ha’ahaatee arrimahan ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe uu ku sugan yahay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, halkaas oo uu ka wado dhaq dhaqaaq siyaasadeed oo ku aadan xaaladda gobolka Gedo.