Ahlu Sunna oo 4 qodob ka soo saartay doorashada maamulka Galmudug (Aqri)

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Hoggaanka sare ee Ahlu Sunna ayaa xalay go’aanno cusub ka soo saaray xaaladda Galmudug, gaar ahaan doorashada maamulkaasi.

Qodobada oo ka kooban illaa afar ayaa dhamaantood waxa ay yihiin kuwa liddi ku ah dowladda federaalka  Soomaaliya oo garwadeen ka ah dhismaha Galmudug oo mid ah.

Sidoo kale hoggaanka Ahlu Sunna ayaa isku raacay in markale warqad ashtako ah oo looga soo horjeedo dowladda loo diro beesha caalamka.

Waxaa kaloo qoraalka ka soo baxay Ahlu Sunna lagu sheegay in ay dhowaan shaacin doonaan habraaca doorashada ee maamulka Galmudug.

Halkan hoose ka aqriso qodobada:

1: In Ahlusunna ay markale Warqad ashtako ah u dirto Beesha Caalamka,taas oo ay ku sheegayaan in dowladda iska dhega tirtay heshiiskii ay wada galeen,isla markaana ay guda gashay xulista Baarlamaanka Cusub ee Galmudug.

2: in Guddiga Farsamada iyo dhismaha Galmudug ee uu Magacaabey Sheekh Shaakir ay muddo Todobaad gudahood ay kusoo xulaan kuna shaaciyaan Xubno Baarlamaan oo ka kooban 89 Xubnood.

3: In Ahlusunna wadatashi kadib ay soo saari doonto habraaca doorashada Galmudug iyo mowqifkooda howlaha ay dowladda Federaalka ka wado deegaannada Galmudug.

4: In tallaabo kasta oo ay qaadayaan Ahlusunna ay noqdaan kuwo taxadar leh,iyada oo hoggaamiyaha Ahlusunna Maxamed Maxamuud uu walaac ka muujiyey sida ay dowladda u wado dhismaha Maamulka Galmudug.

Shalay ayey aheyd markii guddiga farsamada oo ay ku dhawaaqday dowladda dhexe uu shaaciyey jadwadka doorashada baarlamaanka iyo mida madaxweynaha ee dowlad goboleedka Galmudug.