3-da xeelad iyo qorshe ee Imaaraadka u adeegsnayo doorashada PUNTLAND

Ma aha mid uu muran ka taagan yahay in 20 sano kaddib Puntland goobjoog u ahaan doonto doorashadii ugu xiisaha, xaamasadda iyo xasaradda badneyd.

Loolanka Puntland ka socda eela soo afmeeri doono 8-da Janaayo 2019, waxa uu u dhexeeyaa dhinacyo badan; Nabad iyo Nolol, kooxaha mucaaradka ah, Imaaraadka, Qadar, Maxamuud Saleebaan, Cali Saleebaan iyo MAJEERTEENKA KALE!

Ha yaabin, waa xaqiiqo aan indhaha laga qarsan karin!

Dhawrkii doorasho uu ugu dambeeyey ee Puntland ka dhaca waxa uu dagaalka siyaasadeed u dhexeyn jiray hoggaamiye xilka markaa ka dagaya iyo mid adag oo isna doonaya! Sidii Cabdullahi Yuusuf iyo Jaamac Cali Jaamac, Cadde Muuse iyo Maxamed Cabdi Xaashi, Faroole iyo Cabdiweli Gaas! Dhammaan waxa ay ahaayeen loollanno la saadaalin karo.

Maxaa diiday in tartanka iyo dabacayada hadda jiro la sii odoroso natiijooyinka ka dhalan kara?

Jawaabtu waa sahlan tahay – Qodobka, Nabad iyo Nolo! Imaaraad oo si walba u difaacanaya Dekadda Boosaaso, Qadar oo dooneysa in ay Imaaraadka xididada u siibto iyo Cali Saleebaan oo dagaal waqti dheer ku qaatay doonaya in ay soo gunaanadaan!

Faaladaydan kooban waxaan diiradda ku saari doonaa taatikooyinka uu ciyaarayo Imaaradka iyo qorsheyaashiisa kala duwan si uu u difaacdo awoodda uu Garowe ku leeyahay.

Yaa Imaaraadka doorashada ku metelaya?

1 – Cabdiweli Gaas

2 – Siciid Deni

Qorsheyaasha Imaaraadka

Imaaraadka ma caqli yara oo dhammaan ukumahooda hal dambiil ma isugu geyn doonaan oo waxa ay ugu yaraan la soo shirtagayaan saddex musharax iyo kuwo kale oo qarsoon.

Saddexda musharax waxaa kan ugu muhiimsan u ah Cabdiweli Cali Gaas oo isagu hadda xilka haya horena ugu saxiixay qandaraaska Dekedda Boosaaso.

Haddii uu ka fashilmo qorshaha kowaad ee Gaas, waxa ay ku dagaal galayaan Siciid Deni oo ay ku garab siinayaan Xisbiga Midowga Nabadda iyo Dimqraadiyadda ee uu Xassan Shikeh Maxamuud hoggaamiyo.

Siciid Deni waxa uu ka tirsan yahay ururka Damjadiid ee hadda la midoobay Daljir oo reer Aala Shiikh ah.

Haddii qorshaha labaad ee Siciid Deni ku guuldareystaan waxa isna mid saddexaad u ah Asad Diyaano oo ah nin dhallinyaro ah oo ka soo jeeda qoyska boqortooyada Cismaan Maxamuud oo caadiyan taraha ama taakadan leh sida Siciid Deni.

KA WARRAN HADDII MAXAMUUD SALEEBAAN LALA GEDIYO SANADKAN?

Haa, Imaaraadka ilama ah in aysan ka war qabin xiisadda iyo loolanka siyaasadeed ee qabaliga ah maadama uu Cumar Cabdirashiid ugu magacaaban yahay LA TALIYE arrimaha Soomaaliya ah.

Dabcan, Cumar waa reer Puntland, taas oo jirta, meesha ka ma maqna in musharax aan ka soo jeedin sida saddexda hore beesha Maxamuud Saleebaan in uu qorshaha afraad ugu jiro.

Lama oga musharraxaas balse xogo hoose ayaa sheegaya in uu jiro musharax beelaha kale ee MAJEERTEEN ka soo jeeda oo ay Imaaraadka ku tashanayaan haddii ay KA DHACDO, NO MORE MAXAMUUD SALEEBAAN!

W/Q: Xuseen Muuse Guuleed
Nairobi, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid