C/raxmaan Odowaa oo 3 ujeedo u tagay Cadaado

Cadaado (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa ayaa tagay magaalada Cadaado, halkaasi oo masuuliyiin Galmudug ka tirsan ay kusoo dhaweeyeen.

Isaga oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Cadaado ayuu sheegay in seddex ujeedo oo uu tagay magaalada Cadaado, isaga oo sheegay in ujeedooyinkaasi uu gaari doono maalmaha uu ku sugan yahay magaalada Cadaado.

Tan Koowaad wuxuu ku sheegay in maadaama uu kasoo jeedo deegaanka baarlamaankana ku matalo inuu dib ula kulmo waxgaradka iyo dadka deegaanka sii ay kaga wada hadlaan waxyaabaha ay wadajir u qaban karaan.

Tan Labaad wuxuu ku sheegay inay tahay inuu furo Mashaariic laga hergeliyay magaalada Cadaado, kuwaasi oo qaarkood uu sheegay inuu isaga geeyay magaalada Cadaado.

Arinta Seddexaad oo muhiim ah ayuu ku sheegay inay tahay xalinta arrimaha khilaafaadka madaxda Galmudug ee keenay in labo magaalo lagu kala shiro, waxaana uu sheegay in maalmaha u joogo magaalada inuu arimahaasi ka shaqeyn doono.

Safarkiisa Cadaado ayaa yimid saacado uun kadib markii uu la kulmay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud.

Caasimada Online
Xafiiska Galmudug
Caasimada@live.com