ROOBOW oo hal arrin ka codsaday xildhibaanno ku booqday xabsiga uu ku jiro

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa kulan gaar ah la qaatay Mukhtaar Roobow Cali oo u xiran dowladda Soomaaliya.

Xildhibaanada ayaa inta badan kasoo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed, waxaana ay sheegeen in xaaladda Mukhtaar Roobow ay wanaagsan tahay, islamarkaana aysan jirin wax caafimaad daro ah oo heysata.

Xildhibaan Xaniifa Xaabsade oo kamid ah xildhibaanada la kulmay Mukhtaar Roobow ayaa sheegtay in xaaladda caafimaadka ee Roobow ay tahay mid wanaagsan islamarkaana lagu hayo goob amaankeeda wanaagsan yahay.

Waxay sidoo kale sheegtay in markii ay la kulmeen Muktar Roobow ay ka muuqatay wanaagsanaan iyo farxad, waxaana ay sheegtay inuu fariin ugu soo faray taageerayaashisa.

“Dhamaan shacabka Soomaliyeed gaar ahaan shacabka koonfurgalbeed intii kawel welsanayd Mukhtar Robow waxaan idinla wadaagayaa inay ii suurowday in aan lasoo kulmo”

“Caafimaadkiisa wuu fiicnaa wax dhib ahna ma qabin meel jawigeeeda deganayahay ayuu joogay oo amni ah wuxuu shacabkiisa gaar ahaan taageeeriyaashiisa nooga soo dhiibey fariin ah in uu fiicanyahay wax dhib ahna qabin oo xaalkana ladejiyo” ayay tiri Xildhibaan Xaniifa Xaabsade.

Sida ay sheegtay Xaniifa, Roobow ayaa ka dalbaday Xildhibaanada “inay xaliyaan kiiskiisa”, kana shaqeeyaan sidii xabsiga uu ku jiro looga sii deyn lahaa.

Mukhtaar Roobow ayaa kamid ahaa musharixiinta Koonfur Galbeed, balse seddex maalin kahor doorashadiii Koonfur Galbeed ayaa laga soo xiray magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Mukhtaar Roobow ayaa ku xiran xarunta hay’adda nabad-sugida iyo sirdoonka Soomaaliya ee loo yaqaano Habar Khadiijo oo ku dhaw Villa Somalia, halkaasi oo uu si lamid ah ku xiran yahay Xasan Daahir Aweys.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@Live.com