C/llaahi Maxamed Nuur oo kashifay sida xukuumadda ay gacanta ugu dhigtay guddiga maaliyadda (Aqri)

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur oo ahaa xoghiyihii hore ee guddiga maaliyadda baarlamanka Soomaaliya, oo dhowaan laga saaray, ayaa qoraal uu soo dhigay facebook faah-faahin uga bixiyey sida xukuumadda Kheyre ay ugu guuleysatay inay gacanta ku dhigto guddiga.

Akhriso qoraalka Xildhibaan C/llaahi Maxamed Nuur

BISMILAAH, Waxaan rabaa in aan halkaan kula wadaago Shacabka Soomaaliyeed si kooban arimaha la xariira Guddiga Maaliyadda ee Golaha shacabka sida:-

1. Shaqada Guddiga
2. Khilaafka la sheegay ee ka dhex jiray guddiga
3. Sharciyadda guddonka guddiga iyo habraaca gudoonka guddiga lagu bedeli karo
4. Sida dhabta ah ee ay wax dheceen iyo waxa ka dhalan kara
5. Aragtiydada gaarka ah

Shaqada Guddiga: Guddiga maaliayada shaqadiisu si kooban waa diyaarinta iyo horkeenida golaha shacabka shuruucda la xariirta arimaha maaliyada, Korjoogtaynta iyo la xisaabtanka maaliyadeed ee hay’adaha dowlada.

Khilaafka la sheegay: Khilaafku waxaa uu ahaa mid ay xukuumadu abuurtay ee marna majirin wax khliaaf ah oo si dabiici ah ugu dhex jiray, sababaha ay xukuumadu guddiga khilaafka uga dhax abuurtana waxaa ay ahayd in ay baabi’iso jiritaanka guddiga maadaama aysan diyaar u ahayn isla xisaabtan.

Sharciyadda guddonka guddiga iyo haraaca gudoonka guddiga lagu bedeli karo waa sida tan:

Sida ku cad qodobka 58aad, farqadiisa 4aad, 5aad iyo 6aad ee xeerhoosaadka Golaha Shacabka, gudoonka gudiyada waxa uu xilka ku wayn karaa:

1. Istiqaalo qoraal ah.
2. Haddii uu dhinto.
3. Haddii ay ku timaado xil gudasho la’aan joogto ah ama uu si joogto ah uga maqnaado kulammada gudiga.
4. Guddiguna waxaa uu arrinkaas ku wargalinayaa guddoomiyaha Golaha si ay u doortaan gudoon cusub. Hadaba waxaa xaqiiqa ah sababaha sare ku xusan in aan midna dhicin.

Sida ay wax u dhaceen iyo waxa ka dhalan kara:

Muda sanad ka hor ah ayey xukuumada bilowday in ay dhibsato guddiga maaliyadda sababa la xariira arimaha isla xisaabtanka iyo qabashada doodadaha dhagaysiga dadweynaha ee miisaaniyadda iyo shuruucda la xariirta maaliyada, waxaa ay marar kala duwan shirar gaar gaar ah naga dalbadeen balse marna ma aqbalin in nalaga weeciyo shaqadi aan u dhaaranay wakiilkana uga ahayn golaha shacabka, waxaa ay xukuumadu juhdi badan ku bixisay in guddiga shaqadiisa la car qaladeeyo ugu danbayna waxaa ay xukuumadu iska hor keentay khilaafna ka dhax abuurtay guddiga 24 Nov. 2018, sidoo kale xukuumadu waxaa ay ku qancisay labada gud. k/xigeen in ay sifo sharci dara ah kula diraan guddiga balse guddoomiyaha golaha shacabka ayaa ka hor yimid kuna timaamay sharci daro kala diristaas

Hadaba maxaa kusoo xigay, Madaxweynaha JFS iyo Ra’iisulwasaaraha dalka waxaaay sheegeen in laba motion laga keenay oo kala ah xil kaqaadis iyo isla xisaabtan waxyna sheegeen in midki xil ka qaadista ay noqdeen xildhibaanadi keenay balse kan labaad oo ah isla xisaabtanka xalkiisu waa in guddiga maaliyadda lakala diro ( SHARCI AMA SHARCI DARO, GAR AMA GAR DARO), halku dhegyadaas waxaa iigu horaysay xilligu Gud. Jawaari lagu soo duulay maalmahaan danbane waxaan ku maqlayay in loo adeegsado Dowlad gobaleedyada balse hada waxayba soo gaartay guddi hoosaadyadi golaha shacabka, waxaana igu maqaala ah in dood dheer kadib ayada oo lawada qirayo in ay sharci dara tahay la’isku raacay in qaab qoraaleed aan qaanuunka waafaqsanayn wax looga bedelay guddiga, guddomiyuhna sidaas xal mooday si loo furo golaha.

Maxaa ka dhallan kara: waxaa adkaan doonta in golaha shacabku usii shaqeeyo si madax banana, waxaana xigi doonta in uu dhaco xad gudub dastuuri ah iyo dhammaan shuruucda kale dalka, waxaan jiri doonin isla xisaabtan haba yaraatee, hadii aan la dhowrin kala madax banaanida hay’ahada dowlada iyo shuruucda dalka waxaa dhumi doonta kalsoonida shacabka waxaana mugdi galaya rajada dowladnimo ee sida adag lagu soo yagleelay.

Aragtidayda gaarka ah: Go’aanka marka aad qaadanayso waxaa lagu saleeyaa laba uun mid XAL ama XUL, Xulku waa kan kuugu fiican ee aad dooran lahayd ama saxda ah, xalkuna waa sida aad u aragto danta guud balse ay dhici karto in aadan jeclayn ama aadan ku qanacsanayn, hadaba waxaan u sheegayaa umada Soomaaliyeed aniga oo u arka xal in aan ka tanaasulay xilki iyo xubinimadi guddiga maaliyadda ee golaha Shacabka si waafaqsan xeer hoosaadka golaha shacabka qodobkiisa 58aad, inkasta oo aan aaminsahay in aan xal waara lagu gaari Karin marna dastuurka iyo shuruucda dalka oo aan loo hogaansamin balse marna anigu sabab uma noqonayo in maalin qura hay’adaha dowlada howlahoodu hakad galaan.

Shcabkana waxaan xasuusinayaa in aanan ka tagin kana tanaasulin shaqadi aan u dhaartay oo ay ka mid tahay ilaalinta hantida shacabka waxaana mar walba la wadaagi doonaa warbixino kusalaynsan xaqiiqda watana cadayma waafi ah, waxaan u heli doonaa fursad fiican waxaana si furan shacabka ula kulmi doonaa maalin walba oo TALAADA ah hadii alle idmo.