3 qeybood oo bulshada Soomaaliyeed ah oo siyaabo kala duwan uga faa’ideysanaya arrinta Qalbi Dhagax

Horta dad baa Mooda qofkii Dowladda ku Canaanta arin Qalbi Dhagax in uu mucaarad yahay. Balse dadka arinkaa ka hadlaya waa sax iney isugu jiraan 3 Qeybood.

=Qeyb waa koox Dowlad nimada jecel dowladana aamin sanaa balse ka damqaday arinkaa dhacay oo aysan doodoodu aheyn dowladda ha la dumiyo ama Madaxda hala caayo hadeey sidaa sameysay .hase yeeshee ka careysan hadiiba madaxdeenu sidaa sameysay Maxey hadana nooga aamustay oo noola wadaagi weyday. waxa dhacay iyo sababta ku kaliftay. taana xaq baa loogu leeyahay Madaxda. waxaana suurtowday in dad badan oo wax Garad ahi wax la hagaajin lahaayeen. Soomaaliduna waxey tiraahdaa INTAAN ILAAHEEY AHEYN USHU WAA KA DHACDAA.

=Qeybta 2aad  waa koox Awalba mucaarad aheyd hadana doonaya iney shil kaan kaga faa’ideys taan oo Madaxda dowlada ku kiciyaan

shacabka. kuwaana waxaa la yiraahdaa HARAATI WEYNE.

=Q 3aadna waa koox iyagu dabeysha la socda oo aan wax badan rogrogin isla markaana hadba dhan kii loo bato wax u kaxeeya oo waxaa la yiraahdaa DAB MA SHIDAN YAHAY.

Hadaan u soo noqdo dhacdadaan oo runtii nabar aan la fileyn ah. sida aan dhaga dhageeyay waa dhacdo ay ka wada shaqeeyeen Sirdoonka Ethiopia iyo kuwa Madax Soomaaliyeed  ah oo iyaga u shaqeeya. ujeedka ugu weyn ee laga leeyahayna waa in la Niyad jabiyo shacabka Soomaaliyeed isla markaana aan dib dambe loo helin madax lagu Aamino Dalkaan si ay muraad kooda uga sii qunsadaan .

Hadaba Waxaa la gudboon Madaxda dalka iney iyagaa nooga war rooney ay ka hadlaan  oo xaqiiqda arinkaan shacabka la wadaagaan Aamus naanta faraha badani wax weyn bey naga haleyn doontaa, isla markaana cid kasta oo ku lug yeelata waa in  shaqadana laga fadhiisiyo xabsigana la dhigo xataa hadii Madaxweynaha iyo Reysal Wasaaraha ay sheekadu lugaha la gasho. si aan loo lumin kalsoonida la soo korinayay ilaa dowladihii KMG ahaa bal si shacabku erayga dowlad u aaminaan.

Sidoo kale waa in si cad dowlada Ethiopia loogu eedeeyaa iney sidii caadada u aheyd ay khalkhal galin ku heyso dowladnimada Soomaaliya. hishiiska la sheegayo in lala galayna dib looga fiirsado, waayoo Qalbi dhagax xaq buu u lahaa inuu dalkaan ku noolaado hadii uu dambi leeyahayna dowladeenu gacanta ku heyso, teeda kale muduu joogay Soomaaliya weyna ogaayeen.tan kale horay uma dhicin sawir laga helay Maxbuus Ethopia ku xiran saxaafada caaalamkaana horay uga  weyday dad ajaanib ah oo u xiran  Ethopia . marka sawirka  maalin ka dib  Qalbi Dhagax Xabsiga looga qaaday lana soo galiyay baraha bulshada waa mid ey ujeeda kale ka leedahay Ethiopia  waana in madaxdeenu qaadan tilaabo kale oo ay kaga fal celineyso arinka Qalbi Dhagax.

Qoraal kaan dheer waxa aan u qoray dad badan baa igu dhaliilay ka hadalkeyga Arinta Qalbi Dhagax. waxaana rabaa inaan u sheego kuwaa waad hurda ane toosa,   arinkaas waan ka hadli doonaa ilaa ay Madaxdeenu ka qaadanayaan doorka kaga aadan falkaas dhacay xataa hadii uu ku xumaanayo xiriir been aadka  labada Dowladood ama xiriirka saaxiibo is jecel oo dowlada ka wada shaqeeya. waayoo wax walba waxaa ka weyn kalsoonida shacabkii shalay wax ka dhistay Dowladda.

Waxaana ku Ra’yi ahay Abwaan ka soo tirshay TIXDAAN GAABAN :-

=Famaajow wixii dhacay ayaan dhowrayaa waliye

=Anigoon xaqiiq dhaba u hayn dhagax wixii gaarey

=Ma dhexboodi karo beenta waa la iska dhowraaye

=Hayeeshee halyeey dhaartayoo dhowran baa tahaye

=Maalintey dhanaan tahay dadkuna dhagaha taagaayo

=Dhabaa loo hadlaa ceebtu waa labo dharaaroode

=Dhuudhuumashiyo aamus waa dhaqan haweenaade

=Aan dhageysanee Runta sheeg maanta waan kaa dhursugay naaye.

Boorso

Mahadsanidiin.

W/D: Abdulkadir Farah Dulyar