3 waxyaabood oo keeni karo in xilka laga qaado ra’iisul wasaare Kheyre

Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida dadka u dhuun duleela siyaasada ay sheegeen haddii ay dhacdo in la rido Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu ku bixi karo seddex arin midkood.

Mida koowaad ayaa la sheegay iney tahay ku lug lahaanshaha dhiibista Sarkaalka ONLF ka tirsan ee C/kariin Sheikh Muuse Qalbi dhagax oo lagu wareejiyay Dowladda Itoobiya.

Sidoo kale,dadka daraaseeya Siyaasadda Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqay iney jiraan amaro badan uu ku fududaaday Ra’iisal wasaaraha oo ku aadanaa sadbursi lagu sameeyay beelaha qaarkood oo si weyn u dhaliilsanaa Ra’iisal wasaaraha iyo hanaanka uu ku shaqeynayo.

Mida seddexaad Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya qaarkood oo dhaliilsan sida ay wax u wado Xukuumadda Soomaaliya iyo waliba meelaha qaar oo laga booday ama la jabiyay dastuurka dalka u yaala.

Xildhibaano badan oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa diyaariyay mooshin xilka looga qaadayo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya.

Dhana kale,waxaa dabool saarneyn wax badan uu qabtay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo ku aadan guu ahaan dalka sida sugida amniga iyo waliba soo deynta maxaabiistii mudada badan ku xirnaa dalka Itoobiya.