3 wiil oo isku qoys ah oo dhacdo xanuun badan ugu dhintay gobolka Qoraxey

Shilaabo (Caasimada Online) – Seddax wiil oo isku qoys kasoo jeeday ayaa shalay galab ku dhintay Baraag ay ku dheceen oo sida la sheegay ay biyo ku jireen.

Wiilashaas oo dhamaantood ahaa ilmo aan qaan gaarin ayaa ka dhashay qoys reer guuraa ah oo ku nool deegaan lagu magacaabo Laascaanood oo hoos taga degmada Shillaabo gobolka Qoraxey ee dowlad deegaanka Soomaalida

Seddax wiil ee ku dhintay berkedda ayaa waalidkood waxay raacsadeen Ubad ama Nirgo laga reegay Geel irmaan ah oo ciddu laheyd.

Wiilasha dhintay ayaa kala ahaa labo isla dhalatay iyo mid ay Adeer u ahaayeen labada isla dhalatay, waxaana lagu kala magacaabi jiray.

  1. Xongor Iraad Cabdi Diini oo 7-sano Jir ahaa,
  2. Jaamac Iraad Cabdi Diini 6-sano Jir ahaa, iyo
  3. Saadaq Dhuxul Cali Cabdi Diini oo isna 4-sano jir ahaa.

Dad biyo u doontay berkadda ay ku dhaceen ilmahaas ayaa soo saaray meydka seddaxdaas wiil ee isku reerka ahaa, isla markaana isla socday in kastoo aan weli faahdfaahin laga helin sababta keentay in seddaxduba ay berkedda ku dhacaan.