35 qof oo xalay la dhigay Isbitaalka BANAADIR

Muqdisho (Caasimada Online) – Dad gaaraya 5 qof ayaa xalay fiidkii la dhigay Isbitaalka Banaadir ee Magaalada Muqdisho, sida ay inoo sheegeen saraakiil ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Dadkan ayaa ku sumoobay Boorash laga kariyay Jikooyin ku yaalla Degmooyinka Kaxda iyo Waaberi ee Gobolka Banaadir oo ay cuneen.

Dadkan oo isugu jira Haween iyo Caruur oo u badan Barakacayaal ayaa la sheegay inay qaarkood ku jiraan Koomo ama xaalad halis ah, waxaana la tacaalaya Dhaqaatiirta Caafimaadka.

Guddoomiye kuxigeenka dhanka arrimaha bulshada Gobolka Banaadir Basmo Caamir Shakeeti ayaa dadka uga digtay inay isticmaalaan Baarashkaasi, si aysan dhibaato kale u imaan.

“Waxaan tagnay Isbitaalka Banaadir oo ay ku jiraan dad ku sumoobay Boorash ay cuneen, dadka waxaan uga digeynaa inay isticmaalaan Boorashka, baaris dhab ah ayaan sameyn doonaa”. ayay tiri Basmo Caamir.

Hay’adaha gargaarka ee dalka ka hawlgala qaarkood ayaa mararka qaar bixiya Cunto waqtigeeda la dhaafay, taasi oo dhibaato u keenta dadka danta yar ee ay siiyaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com