Xisbiga Waddani oo maanta shaaciyey inay fashilmeen wada-hadalladii Kulmiye

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid oo kamid ah Hogaanka sarre ee Xibsiga mucaaridka ah ee Waddani, ayaa sheegay in lagu guul-dareystay sidii looga midho-dhalin lahaa kulamo maalmihii udambeeyay magaalada Hargeysa ay ku lahaayen xisbiyada Kulmiye iyo Waddani.
Xuseen Caydiid ayaa ka dhawaajiyey inay waxba ka socon waayen xagga Mas’uuliyintii ka socotay Xisbul xaakimka Kulmiye.
“Saddex maalmood ban kulanay, wada-hadaladuna labo qodob ayey ku war-wareegayen un,  labadaas qodob unbanu runtii inaanu isla jilcino oo wax un isla qaadano aynu inbadan ku dadaaleynay, Labadaas qodob waxa ay ahaayen, qodobka 1aad: Komishanka doorashooyinka hadda jooga, waxaynu ka war qabnaa inanu aheyn komishankii doorashada noo qabanayey, oo muddo xileedkediba dhamanayo inta aan la gaadhin maalinta doorashada, mar-haday sidaa tahay in caqliguna farayo in komishanka doorashoyinka noo qaban lahaa uu goor hore yimado oo howshiisa diyaarsado, si doorashoyinku u qabsooman xiligii logu tala-galay, qodobka 2aad: Komishankaa soo socda ee komishanka badalay uu noqdo komishan si siman loo soo qeybsado” ayuu yiri Xuseen Axmed Caydiid.
Waxa uu intaas kusii daray “Nasiib daro waxa halkan idin sheegaya idinka iyo bulsho weynta Somaliland, in labadii qodob midna aanu heshiis ka gaadhin, markaa halkaas waxa ka muuqaneysa inaan runtii diyaar looga aheyn dhinaca”.
Ugu dambeyntii, Xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid ayaa waxa uu ka dhawaajiyey in Madaxweyne Muuse Biixi ilaa hadda wax ajando ah oo uu ka leeyahay aanu soo bandhigin muddo xileedka dhamaaday ee Goleyaasha Deegaanka Somaliland.
Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa