Asluubta ciidanka ayaa ka horreysa sugidda amniga QARANKA (Fallanqeyn)

Qaraxyada iyo xirnaanshaha waddooyinku marwalba waa dhibaatooyinka aad maqasho iyaga oo laga soo werinayo magaalada Muqdisho. Waxaase jirta halis kale oo dadka caasimadda ku nool ay waaya’arag ku noqdeen taas oo kaga timaada ciidamada dowladda ee isugu jira boolis iyo milatari intaba.

Hayeeshe, maadaama aan laga baahin warfaafinta – gudaha iyo dibadda – in badan bulshada xittaa kuwa jidadka kula kulma ama ay dani ka gasho adeegga xarumaha dowladda, dhib weyn kuma tilmaami karaan sheeko si maalinle ah qisooyin xanuun leh ku reebta qoysas Soomaaliyeed oo marnaba aan fileyn in carruurtooda aanay shar uga imaaneyn kuwa xiran shaarka dowladda.

Sidaas darteed, Muqdisho marka aad ku sugan tahay waa inaad ka fikirtaa in – adiga iyo askariga – aad u siman tihiin hal halis – qarax sababa dhimasho iyo dhaawac. Waxaase shibilka usii dheer in mar kale si foojigan aysan ugu deymo la’aan isla askari sita qoriga ee jeer walba kugu soo furi kara rasaasta.

Waayo waxaa si xilkasnimo xumo ah kuu waxyeeli kara gaadiidka ciidanka dowladda oo xawaarahay doonaan ku mara waddo walba oo kahor timaada. Micno malahan ciriiriga muuqda oo baabuurta rayidka u diidaya inay u kala gooshaan si nabdooni leh. Qolada kaliya ee sharciga ka sarreysa waa kuwa sharciga loogu tala-galay inay ilaaliyaan.

Baad lagula dhaco ama liif laguugu nabareeyo ama jug kale oo feer iyo lugba isugu jirta oo laguugu halgaado waa nasiib wali aad ka mahdin karto. Waxaaba ay awoodi karaan inay si aan ka fiirsi lahayn kugu dhiftaan xabad.

Darawallada gaadiidka dadweynaha siiba bajaajleyda waxay og yihiin in maalin walba ay ilbiriqsi u jirsadaan xabad la iskaga waabiyo si ay waddada ugu banneeyaan ciidamada hubeysan ee ku xiimaya gaariga Cabdi-bilaha. Geeridu waa mid ay dheer yihiin darawallada kale ee gaadiidka rayidka ah adeegsada, marka la fiiriyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee keensaday dilka bajaajleyda badan oo ku baxay gacmaha ciidamada dowladda.

Runtii dhibta ugu weyn ee heysata shacabkeenna ma ahan oo kaliya tirada dadka uga dhinta qaraxyada, waa sugnaan la’aanta amniga dadweynaha la nool xusuusta dadkooda sida joogtada ah ugu le’da qaraxyada kuwaas oo si aan ixtiraam lahayn ugu nugul amarrada sandullaha ku dhisan oo ciidamadu kula kacaan.

Waagii Kacaanka waxaa jirtay in shacabku u kala ordi jiray ciidanka XDS gaar ahaan militariga – siiba waqtigii uu socday dagaalkii 77 – halka ay kasoo carari jireen booliska sharcigiisu adag yahay. Maanta labaduba waxaa looga didaa aragooda si isku mid ah.

Goor hore inta aanay dhicin inay kusoo gaaraan ayuu – cabsi awgeed – wadnuhu kusii caddaanayaa. Mana ahan inaad neceb tahay. Waa inaad og tahay inaysan si miirqab leh kaaga dhaadhicin Karin amarka ay fulinayaan. Inaad wax ka dhaadhici is tiraahdana, waxay yeelan kartaa dhammaad aan farxad kusoo idlaanin.

Thomas Sankara, oo ahaa Madaxweynihii Burkina Faso ayaa wuxuu leeyahay Askari aan laheyn tababbar siyaasadeed iyo mid aydhiyoolojiyadeed waa danbiile soo kobcaya.’

Askarteennu waxaa si aan lagu kadsoomeyn loogu tilmaami karaa maleeshiyo loo huwiyay magac dowladeed kuwaas oo qoriga ay sitaan uu kala weyn yahay nolosha qofka muwaadinka ah ee ilaalintiisa loogu xiray dharka ciidanka. Wax caadi ah ayay iska tahay inuu qorigu kasoo horreeyo marwalba oo ay rabaan inay fuliyaan amar ku dhisan tooda gaarka ah iyo tan dadweynaha.

Runta qaraari waxay tahay in askarteennu aanay u diyaarsaneyn soo dhaweyntii iyo ixtiraamkii looga fadhiyay shaqaale dowladeed inay siiyaan muwaadiniinta ay u shaqeeyaan. Waa maxay dulucda ku jirta sugidda amniga haddii aan mudnaantii ugu sarreysay la siineyn ixtiraamka muwaadinka iyo qaddarintiisa?! Kahor inta aan loo diyaargaroobin wax ka qabashada amniga iyo kala-danbeynta, waa muhiim in micno walba oo ku bixi kara ilaalinta sharafka qofka Soomaaliga ah laga horumariyo sugidda nabad-galyadiisa.

Haddii aan fiiro loo yeelan ka feejignaanta wax walba oo sumcad-dilaya heybadda ciidanka, farqiga qura ee u dhaxeeya iyaga iyo maleeshiyo beeleedyada waa inay xiran yihiin dareys dowladeed oo mar un milgaduu lahaa ku lumin doona asluub la’aanta askartiisa.

Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
Kala xiriir: farriin-danabeedka; hiraal86@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid