“Haddii hal arrin aan la fulin waa ay u dhammaatay nabad-galyada Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) ― Siyaasi Boobe Yuusuf Ducaale ayaa mar uu ka hadlayay Doorashooyinka Somaliland, ka dhawaajiyey in nabad-gelyada Somaliland ay ku naaloneyso ay soo af-jarmi doonto haddii doorashooyinka aysan ku qabsoomin wakhtigooga.
“Soomaalidu waxay ku maahmaahda Naas la nuugo Nabad baa leh, Naaskan nabada leh hadaaney daaqino oo la gunaynino wax la gashanin, dee Naaska wax kasoo dhiiqaya ma jiraan, maalin dhow wax nooga soo dhacaya ma jiraan, Waxaynu u baahnahay inaynu guneyno, oo ay Naaska wax nooga soo dhiiqan, saynu taa usameyno, Howshii aynu usoo galnay in horumarkan gaadhno, ayeynu u baahanahay inaynu iyadana ku ilaalino, maxay ku ilaalinaynaa, doorashada ayeynu qabaneyna, hadeynu qaban weynana Nabadu wey gilgilmeysaa”.
Geesta kale Boobe Yuusuf, ayaa ku baaqay Masuuliyiinta kuraasta ku fadhiya ee muddo xileedkoodi dhamaaday inay baneeyan xilalkaas oo doorashada la qabto, isagoo sheegay haddii ay baneyn waayan inay Nabadu khal-khal galeyso oo cid noolanaysana aysan jiri doonin.
“Kuraasidaa la bariisaday baa laga kacayaa, haddii laga kici waayo nabadu khal-khal bey galaysaa, cid noolaneysaana majirto”.
Ugu dambeyntii Siyaasi Boobe Yuusuf Ducaale ayaa sidoo kale ku baaqay in Nabad-gelyada ay Somaliland muddada badan ku naaloneysay ay ilaashato oo howlaha qabyada ah wakhtigooga lagu dhameystiro.
Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa