Madaxweyne Farmaajo oo khudbad u jeedinaya xildhibaanada aqalka sare

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa la adkeeyay amaanka xarunta xildhibaanada aqalka sare ee baarlamaanka oo ku taala degmada Shibis ee gobolka Banaadir, iyadoo ciidamo badan la dhigay waddooyinka gala aqalka sare.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa furaya kalfadhiga Shanaad ee xildhibaanada aqalka sare ee baarlamaanka, waxaana la filayaa inuu khudbad u jeediyo xildhibaanada aqalka sare.

Waxaa muuqata in khilaafkii u dhaxeeyay xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka inaan la xalin, taasina waxay dhalisay in xildhibaanada golaha Shacabka gaar loogu furay kalfadhigooda.

Xildhibaanada aqalka sare ee baarlaaanka ayaa qaarkood waxay baraha bulshada kaga hadlayeen furitaanka kalfadhigooda iyo shaqooyinka adag ee horyaala inay ugu horeeyaan arrimaha amaanka dalka.

Furitaanka kalfadhiga Shanaad ee aqalka sare ayaa saameeyay kulanka maanta xildhibaanada golaha shacabka ku lahaayeen magaalada Muqdisho.

Dhawaan ayaa Madaxweyne Farmaajo waxa uu furay Kal-fadhiga 5aad ee Xildhibaanada golaha Shacabka,waxaana furitaanka Maanta ee Kulanka Aqalka Sare uu kusoo aadayaa xilli khilaaf uu ka dhex jiro Baarlamaanka labada Aqal

Ammaanka Magalada Muqdisho ayaa Maanta aad loo adkeeyey,waxaana xiran wadooyinka qaar ee Muqdisho, iyada oo lagu arkayo ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com